Madaxweynaha Soomaaliya Masar tagey kadib heshiiskii Itoobiya

Image
Image

QAAHIRA - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa gaarey magaaladda Qaahira, halkaas oo wadahadal kula leeyahay dhiggiisa Abdel Fattah el-Sisi, sida ay xaqiijisay Villa Somalia.

Labada hogaamiyaha ayaa kawada hadlaya sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta labada dal ee ka dhanka ah argagixisada, iyo sidii loo dardar-gelin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga iyo nabadda ee gobolka.

Booqashadan ayaa timid xilli Soomaaliya iyo Itoobiya ay xalliyeen xiisadihii u dhexeeyay, kadib heshiiskii Ankara ee 11-kii December, oo xigay booqasho Xasan Sheekh ku tagey Addis Ababa horaantii bishan oo Abiy Axmed kula soo heshiiyay inay xiriirka diblomaasi dib loo billaabo.

Sidoo kale, Soomaaliya ayaa ka shaqeyneysa inay marti-geliso ciidan Masri ah oo ka qayb qaata hawlgallada AUSSOM, oo Itoobiya laga fekerayo ka qeybgalkeeda.

Masar ayaa la sheegay inaysan ku qanacsanayn heshiiska uu Xasan Sheekh la galay Abiy Axmed, oo dagaal ugu jira sidii uga hortagi lahaa saameynta militeri ee Masar ku yeelan rabto gudaha Soomaaliya iyo Eritrea, oo khatar ku ah amniga dalkiisa.

Labada dal ayaa isku khilaafsan webiga Niil biyo-xireenka laga dhisay, kaasoo yareeyay qulqulka biyihii gaarayay Masar, sida ay ku doodayso dowladda uu hogaamiyo Al-Siisi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM