Madaxweynaha Soomaaliya oo Salaan-Sharaf ka qaatey Ciidanka Badda Itoobiya

Image

ADDIS ABABA - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo labo maalmood ku sugnaa dalka Itoobiya, ayaa booqday goobaha taariikhiga ah ee dalkaas ka hor inta uusan maanta dib ugu soo laaban Muqdisho, sida ay xaqiijisay Dowladda Itoobiya.

Intii uu ku sugnaa Addis Ababa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulamo gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Itoobiya. Kulamadaasi ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga dhanka amniga, dhaqaalaha, iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashiga ganacsi ee gobolka.

Waxaa lagu arkayay muuqaallada warbaahinta Itoobiya baahisay Madaxweyne Xasan Sheekh oo salaan sharaf ka qaadanaya Ciidamada Badda ee Itoobiya. Tani waxay u muuqato dhoolatus iyo bandhig Itoobiya oo aan lahayn bad  samaysay, iyadoo usoo bandhigtay Caalamka inay dhisatay awood ciidan badeed, si lamid ah dalalka deriska ah, oo Soomaaliya ay ka mid tahay ee badda leh.

Intii lagu guda jiray booqashadda, Xasan Sheekh ayaa sidoo kale booqday Adwa, oo ubax dhigay taallooyinka loo dhisay halyeeyadii dalka Itoobiya ku naf waayey dagaallo iyo halgan. Si ka duwan sidii hore, Abiy Axmed ayaa ku martiqaaday Xasan Sheekh xuska askartii ku dhimatay dagaalkii 1977, ee Itoobiya iyo Soomaaliya.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay uga go’an tahay inay xiriir wanaagsan la yeelato Itoobiya, oo mudo ku dhaw sanad kala dhaxeeyay xiisada ku salaysan heshiiskii badda ee Abiy la galay Somaliland.

Booqashada Madaxweynaha ee Itoobiya ayaa la kulantay dhalleecayn uga timid siyaasiyiinta mucaaradka, oo u arka mid qalad ah inuu Xasan Sheekh u tago Abiy Axmed oo ay sheegeen inuu ku xadgudbay madax-banaanida Soomaaliya, si cad, isagana ay ahayd inuu yimaado Muqdisho oo raali-gelin buuxda bixiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku guuldareystay inuu mideeyo madaxda Federaalka

Balse maqnaanshaha Puntland iyo Jubbaland ayaa astaan u ah kala qeybsanaanta siyaasadeed ee sii qotomeysa.

  • Soomaliya

    07-05-2025

  • 11:33AM

Muxuu Xasan Sheekh kala hadlay Taliyaha AFRICOM ?

Dhinaca kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage.

  • Soomaliya

    07-05-2025

  • 08:58AM