Madaxweynaha Soomaaliya oo Soo Dhaweeyay Heshiiska Xabbad-joojinta ee Gaza

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhaweeyay heshiiska xabbad-joojinta Gaza, ee xalay ay ku dhawaaqeen Israel iyo Xamaas.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dalalka Qatar, Masar, iyo Mareykanka doorka muhiimka ah ee ay ka qaateen xaqiijinta heshiiskan, isaga oo tilmaamay in heshiiskani uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu soo celinayo xasilloonida iyo nabadda gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baaqay in la isku xoojiyo dadaallada caalamiga ah iyo kuwa gobolka si loo adkeeyo heshiiska xabbad-joojinta. Sidoo kale, wuxuu ka dalbaday beesha caalamka in la dedejiyo gaarsiinta gargaarka degdegga ah ee bini’aadantinimo si loo yareeyo xaaladda adag ee dadka ku nool Gaza, kuwaas oo la daalaa-dhacaya duruufo bini’aadanimo oo daran.

Isaga oo ka hadlaya mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan arrimaha nabadda, Madaxweynaha ayaa ku adkeeyay in Soomaaliya ay mar walba u taagan tahay taageeridda nabadda iyo xasilloonida. Wuxuu ku baaqay in la helo xal cadaalad waara ah oo lagu dhisayo dowlad Falastiini ah oo madaxbannaan, si waafaqsan mabda’a laba dowladood.

Heshiiskan xabbad-joojinta ayaa loo arkaa mid muhiim ah, waxaana loo baahan yahay in dadaallada wadajirka ah ay sii socdaan si loo xaqiijiyo nabadda waarta ee gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM