Madaxweynaha Soomaaliya oo xariga ka jaray xarun sirdoon
MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xariga ka jaray xarun cusub oo sirdoon iyo sahan oo laga hirgeliyay magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabadan uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku maamuusay, iyadoo ciidamada xoogga dalka ay kor u qaadayaan tayada difaacooda.
Xaruntan, ayuu Xasan Sheekh Maxamuud sheegay in ay ka tarjumeyso sida ay uga go’an tahay dowladda in ay horumariso hay’adaha difaaca iyadoo dhismihiisa cusub lagu dajiyay si kor loogu qaado howlgallada ciidamada marka laga soo tago taageeridda qorshaynta istiraatiijiyadeed.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka XDS dadaallada ay wadaan, isagoo sheegay in guul kasta oo la gaaro ay ka tarjumeyso adkeysiga shacabka Soomaaliyeed iyo geesinimada ciidamadooda, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.
“Madaxweynaha Soomaaliya, ahna Taliyaha guud ee Ciidammada Xoogga Dalka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarigga ka jaray xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee XDS oo laga hirgeliyey magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
"Xaruntan casriga ah waxaa loogu talagalay in lagu xoojiyo awoodda difaaca qaranka iyo kor u qaadida dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah," ayay madaxtooyadu ku tiri hadal ay daabacday dhacdada ka dib.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud warbixin ka siiyay guulihii Al-Shabaab looga qabsaday gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Hoose oo ay ciidamadu ka bilaabeen howlgallo badan oo gacan ka helaya saaxiibada caalamka.
Jimcihii, ugu yaraan 75 ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay deegaanka Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud ka dib iska horimaad khasaare dhaliyay oo ay la galeen ciidamada dowladda federaalka, kuwaas oo u suurtagashay in ay magaalada difaacdaan.
In ka badan 50 dagaalyahan ayaa si xun u dhaawacmay, wasaaraddu waxay sheegtay.
Howlgalkan ayaa ah kii ugu guulaha badnaa todobaadyadii lasoo dhaafay balse ugu yaraan lix askari ayaa lagu dilay iska horimaadyada. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si dhow ula shaqeeya Taliska Mareykanka ee Afrika iyo Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee duqeynta iyo aruurinta warbixinnada sirdoonka.
GAROWE ONLINE