Madaxweyne Axmed Madoobe oo Kismaayo ku qaabilay Safiirka Maraykanka

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya — Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qaabilay Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, Danjire Richard H. Riley, oo hoggaaminayay wafdi booqasho shaqo ku yimid gobolka.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubaland iyo Wasiirka Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan amniga, horumarinta mashaariicda ay taageerto Dowladda Maraykanka, iyo xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya.

Ilo ka tirsan Jubaland ayaa sheegay in labada dhinac ay si gaar ah uga wadahadleen muhiimadda ay leedahay mideynta dadaallada amniga ee dalka, xilli ay socdaan howlgalada lagula dagaalamayo Al-Shabaab.

Safiir Riley, oo qoraal kooban ku baahiyay baraha bulshada, ayaa sheegay in kulanka uu ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay midnimada qaranka si looga guuleysto argagixisada.

“Maanta waxaan Kismaayo kula kulmay Madaxweynaha Jubaland si aan uga wada hadalno muhiimadda midnimada qaran ee la dagaallanka argagixisada, taas oo faa’iido u ah shacabka Jubaland iyo guud ahaan Soomaaliya,” ayuu yiri Danjiraha.

Maamulka Jubaland iyo Dowladda Maraykanka ayaa muddooyinkan dambe wada lahaa iskaashi ku saabsan amniga iyo horumarinta adeegyada bulshada, iyadoo booqashadan loo arko mid sii adkeynaysa xiriirka labada dhinac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM