Madaxweyne Deni: Ciidanka difaaca Puntland way burburiyeen awoodda Daacish

Image

Garoowe, Puntland — Madaxweynaha Dowlad Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay si weyn u wiiqeen awoodda kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanayey buuraleyda Calmiskaad, halkaas oo uu sheegay in ay ku sugnaayeen in ka badan 2,000 dagaalyahan, badankoodna ay ahaayeen shisheeye.

Madaxweyne Deni oo wareysi gaar ah bixiyey, ayaa sheegay in ciidamada sirdoonka Puntland ay ka hortageen weerar qorshaysan oo kooxdaasi la damacsanayd inay ku qaado magaalada dekedda ah ee Boosaaso bishii Juun, kadib markii ay heleen xog horudhac ah oo la xiriirta weerarkaasi.

Deni ayaa sheegay in kooxda oo markii hore si xooggan uga daganayd webiga Jaceel ay hadda u haray dagaalyahanno kooban, kuwaas oo ku kala jira unugyo 10-10 ah.

“Ciidamadu waxay baabi’iyeen 95% awooddii Daacish,” ayuu yiri Deni.

Wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday in Daacish ay dhisteen saldhigyo ciidan, keyd hub, iyo warshado yaryar oo hub lagu farsameeyo, taasoo muujinaysay in ay damacsanaayeen in ay si joogto ah uga dhigtaan halkaasi xarun.

Madaxweynaha ayaa xusay in dagaalkaasi uu keenay khasaare xooggan, isagoo sheegay in boqolaal askari oo Puntland ah ay ku dhinteen, kun kalena ay ku dhaawacmeen. Wuxuu si gaar ah uga mahadceliyey Mareykanka iyo Isutagga Imaaraadka Carabta, oo uu sheegay inay bixiyeen garab muuqda, oo isugu jiray duqeymo cirka ah iyo xog sirdoon.

Kooxda Daacish ayaa saldhig ka sameysatay Puntland ku dhowaad toban sano ka hor, hase yeeshee weligeed kama baahsaneyn sida Al-Shabaab. Hadallada Deni ayaa noqonaya faahfaahinta ugu ballaaran ee uu siiyo dagaalka Puntland kula jirto kooxda xagjirka ah ee Daacish.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Su’aal ka Keenay Xilliga ay Mucaaradku u Muddeeyeen Dibadbaxyada Muqdisho

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay la yimaadaan barnaamijyo siyaasadeed oo dhaxalgal ah.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 07:39PM

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM