Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

QARDHO – Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada, Maxamed Baari Shire, ayaa galabta tababar u furay cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland, gaar ahaan guutada saddexaad ee ka hawlgashay buuraleyda Calmiskaad.

Madaxweynaha ayaa hambalyo u diray ciidamada Puntland guushii ay ka gaareen howlgalka Calmiskaad oo uu sheegay inuu marayo meel gebogebo ah. Wuxuu sidoo kale ku dhawaaqay in dowladdu ay xoogga saareyso tayeynta iyo horumarinta ciidamada difaaca u ah dadka, dhulka iyo dowladda Puntland.

Deni ayaa xusay in Puntland ay isku filan tahay dhinaca amniga, isaga oo sheegay in ciidamada ay tusaale u noqdeen dalal kale, gaar ahaan marka la eego dagaalka ay kula jiraan kooxda ISIS.

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho, waxaana uu qeyb ka yahay qorshe lagu horumarinayo aqoonta iyo khibradda ciidamada. Sidoo kale, guutada labaad ee ciidanka ayaa la sheegay in tababar uga furmi doono kulliyadda tababarka ciidamada ee Gen. Green ee degmada Badhan.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan golayaasha Puntland, saraakiil ciidan, la-taliyeyaal madaxweyne, maamulka gobolka Karkaar, maamulka degmada Qardho iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM