Madaxweyne Farmaajo oo Kulan Deg Deg ah la leh Saraakiisha Amniga

Image

MUQDISHU, Somalia - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Kulan Deg Deg isagu yeeray Saraakiisha laamaha Amaanka dowladda, maalin kadib markii qarax weyn uu ka dhacay Wadada Makka Al-Mukarama, oo aan ka fogeyn xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb-galaya Taliyaasha Ciidamada Booliska, Militariga, Nabad Sugida iyo Wasiirro dhowr ah, waxaana lagu soo waramayaa in uu Madaxweynaha kala hadlayaa sidii loo xoojin lahaa amaanka magaalada Muqdishu.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku booriyay laamaha amaanka inay wax-ka qabtaan falalka amni darro ee ka dhacay Caasumadda, islamarkaana ay kordhiyeen heerka feejignaanta, si looga hortago qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee Al shabaab.

Kulanka ayaa waxa uu kusoo beegmayaa, xilli AMISOM ay sheegtay shalay inay mas'uuliyada amaanka dalka ku wareejinayso sanadkan soo socdo ee 2018-ka Ciidamada xoogga dowladda Federaalka Somalia, kuwaasi oo tiro ahaan xilligan aad u badan, balse ay haysato mushaar la'aan.

Wixii kusoo kordha Shirka ka socda Villa Somalia, kala soco Wararka dambe ee Garowe Online.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM