Madaxweyne Farmaajo oo Tarsan u magacaabay La-taliyihiisa Siyaasada

Image

MUQDISHU, Somalia - Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Arbaco ah u magacaabay Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) La-Talihiisa dhanka Siyaasadda.

Tarsan oo kamid ahaa Musharaxiintii u tartamay Xilka Madaxweyne doorashadii February 8, ayaa laga dhigayy La-taliye sare oo arrimaha Siyaasadda kala taliya Madaxweyne Farmaajo, sida ku xusan Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha.

Magacaabista Tarsan ayaa qeyb ka ah Xilal cusub oo Madaxweyne Farmaajo magacaabayay tan iyo markii uu Talada dalka la wareegay, iyadoo bishiii June uu Fahad Yaasiin, oo ah shaqsigii Madaxda uga ahaa Ololihiisa doorashada, ka dhigay Agaasiimaha Madaxtooyada.

Tarsan ayaa waxa uu soo noqday Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdishu labadii dowladooda ee ugu dambeeyay, ee ay kala hogaaminayeen Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud (2010 – 27 February 2014).

GAROWEONLINE

Related Articles

Muxuu Bixinayaa Sawirka Labada Taliye Sirdoon ee Ku Sugan Dalka Itoobiya?

Kulanka labada taliyeyaal ayaa kusoo beegmaya xilli kooxda Al-Shabaab ay maanta…

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 06:39PM

Xasan Sheekh oo la kulmay Abiy Ahmed kahor Shirka Addis Ababa

Shirka waxay dalalka kale usoo direen wafuud aan Madaxweyne ku jirin, oo heerkooda hooseeyo.

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 01:21PM