Madaxweyne Farmaajo oo "xoojiyey" tuhun laga qabay dowladiisa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa aaminsan in caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa ay saldhig u noqotay siyaasadda arrimaha dibadda dowladda Farmaajo.

Hadalkaan ayuu sheegay xili uu wareysi siinayay Telefishinka maxaliga ah ee Universal, kaasoo la baahiyey habeenimadii xalay.

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa ka dhawaajiyey hadaladaas isagoo ka falcelinaya erayadii kasoo yeeray madaxweynaha oo ahaa "in Itoobiya ay isku fiican yihiin, Kenyana isku xun yihiin".

Farmaajo ayaa hadalkaas u cuskaday in ay timid "Itoobiya cusub" tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Abiy Axmed, ra'iisul wasaaraha dalkaas.

Balse waxaa naqdiyey hadalkaas Cabdishakuur oo ku adkeysatay "siyaasada qowmiga ah ee Itoobiya isma bedesho, waxaa isbedela xukuumadda markaas taladda waddanka haysa".

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya ayaa dhawaqaas ku tilmaamay "mid sii xoojiyey shakiga laga qabay" Nabad iyo Nolol.

"Itoobiya maxay Farmaajo uga bedelatay in ay faragelinta ka joojiso Somaaliya? Ma dantii ay ka lahayd gobolada ayay heshay ama dowladeena ayaa awood yeelatay oo Itoobiya ayaa naga cabsatay, madaxweynuhuna ma caddeyn, dad badan oo Soomaaliyeedna waxay shaki ka qabaan sidduu Qalbidhagax u dhiibay, marka fiiriyaan sidii dekadaha u saxiixay, markay fiiriyaan ciidamada Itoobiya marka askarta Soomaaliya u khudbeynayaan dhahaya hal dal ayaan isku nahay, ra'iisul wasaarihii Itoobiyana uu yiri hal dalaa isku nahay, dadkana shaki weyn ayay ka qabeen xiriirka ka dhaxeeya madaxweynaha iyo xukuumadda hadda ka jirta ee Itoobiya, madaxweynuhuna shakigii buu sii xoojiyey, sidday ila tahay," ayuu qeexay.

Abiy iyo Farmaajo ayaa kawada shaqeynaya mashruuca is-dhexgalka gobolka oo Soomaaliya ay noqotay meel lagu iib-geeyo, sidda uu sheegay Senator Ilyaas oo Aqalka Sare ka tirsan.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa lagu eedeeyay in ay maamulka Farmaajo ka gacan-siiso juujuubka qaar kamid ah dowlad goboleedyadda waddanka gaar ahaan kuwa aragti ahaan qaadacay Villa Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM