"Farmaajo yuusan Abiy ku dul-gabban, waa in uu kaligii tagaa Hargeysa"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xisbiga mucaaradka ah ee Himilo Qaran ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku saabsan socdaalka la hadalhayo in uu Farmaajo ku tegayo Hargeysa, caasimadda Somaliland.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda xisbigaas oo la hadlay idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa wuxuu yiri "in la tago waa wax fiican, laakiin waxa lala tagaayo ayaa kasii muhiimsan".

Ilyaas Cali Xasan oo sharaxaad ka bixinaya hadalkaas ayaa sheegay in uu ula jeedo ajendaha iyo fariinta uu siddo hogaamiyaha waddanka.

Mudanaha ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Farmaajo ku qeexay "ninka khilaafka Somaliland meesha uu joogay meel ka fog gaarsiisey".

Raaligelintii uu dhowaan bixiyey ayuu ku qeexay "mid aan boqolkiiba boqol ahayn" isla markaana "uu daba-raaciyey hadalo ay dhibsanayaan" mas'uuliyiinta Hargeysa.

"Mashruucaan ma yahay mid madaxweynaha isaga ka yimid ama dad kale ayaa wata, su'aal ah ayaa meesha imaaneysa," ayuu ku daray.

Wuxuu raaciyey: "Madaxweyne Farmaajo hadii iskiisa uu ka degi lahaa Hargeysa wuxuu noqon lahaa [halyeey], wuxuu noqon lahaa nin talaabo fiican qaadey, ajande cadna uu la tago".

"Ma ahan in Farmaajo ku dul-gabbado Abiy"

Isagoo soo xiganaya hadalkii afhayeenka Aqalka Odayaasha Somaliland oo ahaa in Abiy uu ku "cadaadinayo" in ay qaabilaan Farmaajo iyo isaga, Ilyaas ayaa ku adkeysatay in "mashruuca in uusan ahayn mid ka yimid madaxweynaha waad garan kartaa, marka in ninka safarka saxda ah in uusanba ahayn madaxweyne Farmaajo ee uu yahay nin ku lifaaqan safar Abiy uu meesha ku tagaayo oo nin la socda in uu yahay oo meesha tagaayo".

"Abiy wuxuu u muuqanayaa nin isaga is-biinaya waad ogtahay meelaha uu tagay madaxweynaha oo Soomaaliya khilaafaad kala dhaxeysay sidda Eritrea iyo Kenya isagaa geeyay, marka waxaa la dhihi karaa sidda ay hadda u socoto siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya ama mashruuca ka socda Geeska Afrika oo loo bixiyey is-dhexgalka, wuxuu u muuqdaa mashruuc Soomaaliya kaliya lagu iibsanaayo," ayuu ku nuux-nuuxsadey.

Senator-ka ayaa is-waydiiyey hadii ay jirto wax ajande ah oo kamid ah siyaasadda Nabad iyo Nolol ee ku wajahan Soomaaliya oo laga tanaasulay, isagoo ku booriyey Farmaajo in uuu caddeeyo arrintaas.

"Madaxweynuhu ma uusan fahfaahin intii shir jaraa'id qabtay kulankii Addis Ababa kusoo dhexmaray isaga iyo Muuse Biixi, marka waa in aysan noqon marka Abiy Axmed oo safar ugu socda Hargeysa in uu madaxweynuhu raaco," ayuu carabka ku adkeeyay.

Senatorka ayaa kusoo xiray: "Waxay ahayd in madaxweynuhu uusan Abiy ku dul-gabbanee, Somaliland waa dhul Soomaaliyeed oo aan wax kasta isla nahay, muxuu ugu baahdey in uu Abiy u dabamaro…ciladda jirta meeshaas waaye, taas marka waxay u raaceysaa taariikhihii ahaa madaxweynaha waxaa la geeyay Eritrea, madaxweynaha waxaa la geeyay Kenya, haddana Abiy wuxuu u waddaa Hargeysa, oo ah dhulkiisii hooyo…taas marka waxay mugdi gelineysaa in waxa laga shaqeynaayo uu yahay mashruuc Soomaaliya iyo mashruuc Abiy?".

Kadib dagaallo qaraar oo dhexmaray dowladii kacaanka iyo jabhadii SNM, Somaliland ayaa 1991-dii ku dhawaaqdey in ay ka go'dey Soomaaliya, mana jirin mas'uul madax ka ah oo booqdey Hargeysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM