Abiy oo "ku cadaadinaya" Somaliland in uu Farmaajo ka dego Hargeysa

Image

HARGEYS, Somaliland – Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa Axada maanta ah lagu waramay in uu ku cadaadinayo Somaliland in isaga iyo madaxweyne Farmaajo ay ka degaan Hargeysa.

Saleebaan Maxamuud Aadan, afhayeenka golaha guurtida Somaliland, ayaa si furan uga dhawaajiyey warkaan xasaanada leh.

Isagoo ka hadlayey fadhiga mudaneyaasha, Saleebaan ayaa sheegay in mar sii horeysay ay ganafka ku dhufteen dalabkaas.

Balse wuxuu daaha ka rogay in mar kale uu Abiy Axmed soo bandhigay codsigaas, wallow uusan shaaca ka qaadin waqtiga.

"Ma dooneyno in uu Hargeysa yimaado Farmaajo oo madaxweynaha Soomaaliya ah," ayuu si cad daboolka uga qaadey.

Wuxuu intaas ku daray: "Waxaan leenahay [ra'iisul wasaaraha Itoobiya] hanoo keenin, laakiin hadii uu yimaado dilimeyno".

"Laakiin, hadii uu imaanayo waa in uu noqdaa nin Soomaaliyeed oo la socda Abiy Axmed," ayuu kusoo koobay hadalkiisa.

Dhawaqa gudoomiyaha ayaa kusoo aadaya iyadoo uu jiro guux xoogan oo ku saabsan in madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul wasaare Abiy Axmed ay todobaadka soo aadan tegayaan Hargeysa.

Wararkaas oo ay buunbuuninayaan taageereyaasha Nabad iyo Nolol ayaa yimid kadib markii ay Addis Ababa kuwada kulmeen Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi, hogaamiyaha maamulka Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM