Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Shir-guddoomiyey Shirka Horumarinta Garsoorka

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE — Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta magaalada Garowe ku shir-guddoomiyey shir muhiim ah oo looga hadlayay horumarinta iyo tayeynta nidaamka garsoorka ee deegaannada Puntland.

Kulankan oo ay qayb ka ahaayeen dhammaan laamaha ay khusayso caddaaladdu, ayaa warbixino faahfaahsan looga dhegaystay madaxda:

  • Maxkamadda Sare
  • Wasaaradda Caddaaladda
  • Wasaaradda Amniga
  • Talisyada Ciidamada Booliiska iyo Asluubta

Intii uu kulanku socday, waxaa diiradda si weyn loogu saaray sidii loo xoojin lahaa nidaamka caddaaladda iyo hufnaanta garsoorka. Waxaa si qoto dheer looga dooday qorshayaasha lagu sii horumarinayo adeegyada garsoorka si bulshadu u hesho caddaalad hufan oo waqtigeeda ku timaada.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Mudane Ilyaas Lugatoor, ayaa ugu dambayntii bahda garsoorka ku adkeeyay inay dhabarka u ritaan mas’uuliyadda weyn ee loo igmaday. Wuxuu kula dardaarmay inay si hufan ugu adeegaan bulshada, isagoo hoosta ka xariiqay in caddaaladdu ay tahay laf-dhabarta nabadgelyada iyo horumarka Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM