Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaqy u diray hogaanka Somaliland

Image

MUQDISHO – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu baaqay maamulka Somaliland inay dib u bilaabaan wadahalladii hakadka ku jiray tan iyo Janaayo 2024, si loo helo midnimo qaran oo buuxda.

Isagoo ka hadlayay xuska sanad-guuradii 65-aad ee ka soo wareegtay maalintii gobollada Waqooyi xoriyadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, ayuu Madaxweynaha carrabka ku adkeeyay in dowladda Federaalka ay diyaar u tahay wax kasta oo suuragal ka dhigi kara mideynta dalka, xitaa haddii ay ka mid tahay in isaga uu ka dego xilka madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa si gaar ah ugu baaqay hoggaanka cusub ee Somaliland inay fursad siiyaan dib u bilaabista wadahallada, kuwaas oo hakad galay kadib markii Madaxweyne Muuse Biixi iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ay heshiis is-afgarad ah ku kala saxiixdeen Addis Ababa 1-dii Janaayo 2024, kaas oo Itoobiya u ogolaanaya inay hesho marin badeed.

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaamay "mid aan jirin" (null and void).

Madaxweynaha ayaa xusay in muhiimadda ugu weyn ay tahay danaha dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada Soomaalida inay ka shaqeeyaan dib u heshiisiin iyo qaran loo dhan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

’Faragelinta Israel ee madax-bannaanideenna waa mid aan la aqbali karin’: Madaxweynaha Soomaaliya

Somaliland oo ku taal marin-biyoodka muhiimka ah ee Gacanka Cadmeed, ayaa ku dhawaaqday madax-bannaanida sannadkii 1991-kii.

  • Soomaliya

    07-02-2026

  • 11:58AM

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Gelay Fowdo, Xildhibaano Lagu Caburinayo Hoolka

Dhacdooyinkan ayaa si weyn u kiciyay walaac ku saabsan badqabka wakiillada la doortay, madaxbannaanida Golaha Sharci-dejinta.

  • Soomaliya

    07-02-2026

  • 08:57AM