Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Image

MUQDISHO, May 2 — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya inay ka qeyb galaan kulan ka dhici doona magaalada Muqdisho 10-ka May, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada.

Casuumaaddan ayaa timid kaddib wadatashiyo uu madaxweynuhu la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada toddobaadyadii u dambeeyay, iyadoo kulanka la filayo inuu diiradda saaro arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, xoojinta midnimada qaranka iyo dejinta jihada siyaasadeed ee mustaqbalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo is-afgarad iyo isu-tanaasul si wada-hadalladu u noqdaan kuwo wax ku ool ah oo laga gaaro natiijooyin la taaban karo, isaga oo carrabka ku adkeeyay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay dhismaha hannaan siyaasadeed oo ku saleysan wadajir, midnimo iyo ilaalinta madaxbannaanida dalka.

Casuumaadda ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ay ka harsan tahay wax ka yar 15 maalmood dhammaadka muddo xileedka madaxweynaha, isla markaana aan weli wax heshiis ah laga gaarin doorashooyinka qaranka.

Lama oga in mucaaradku aqbali doonaan ka qeybgalka kulankan, iyadoo kulamadii hore ay fashilmeen, mucaaradkuna ay ku eedeeyeen madaxweynaha inuu isku dayayo inuu saameyn ku yeesho habka doorashada.

Dhinaca kale, wax yar ka hor warka madaxtooyada, mucaaradka Soomaaliya ayaa sheegay inay toddobaad gudihiis ku soo bandhigi doonaan qorshe kale oo doorasho, iyagoo diidan nidaamka doorasho dadban iyo midka qof iyo cod.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM