Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu waramay inuu shuruud ku xiray booqashadiisa Laascaanood

Image

Laascaanood, Soomaaliya – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uu shuruud ku xiray booqasho uu ku tegi lahaa magaalada Laascaanood, oo ah xarunta gobolka Sool.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu dalbaday in la sii daayo maxaabiista ciidamada Somaliland ee lagu qabtay dagaalladii dhacay sanadkii 2023, ka hor inta aanu safarkiisa ku tegin magaalada.

Mas’uuliyiinta maamulka fadhigiisu yahay Laascaanood ayaa casuumaad rasmi ah u diray Madaxweyne Xasan Sheekh si uu uga qayb galo xafladda caleemo-saarka Firdhiye, oo dhawaan loo doortay hoggaamiyaha maamulkaas.

Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka looga dhawaaqay Laascaanood, Dr. Aadan Cabdullaahi, ayaa Arbacadii sheegay in aysan suuragal ahayn in la sii daayo maxaabiista “iyadoo aan heshiis rasmi ah laga gaarin” arrimaha dagaalladii u dhexeeyay Somaliland iyo maamulkaas ee ka dhacay Laascaanood.

“Ma sii deynayno maxaabiis sabab la’aan. Qaar ka mid ah maxaabiista waxay ku lug lahaayeen dambiyo culus, waxaana dhici karta in la horgeeyo cadaaladda si loo xisaabtamo falalkii dilalka iyo barakicinta dadka Laascaanood,” ayuu yiri Dr. Aadan.

Wuxuu intaas ku daray in haddii wadahadal dhab ah uu dhaco, islamarkaana Somaliland aqbasho heshiis nabadeed, ay diyaar u yihiin in ay sii daayaan maxaabiista si loo xoojiyo nabadda iyo dib-u-heshiisiinta gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM