Madixii Canshuuraha Dekadda Muqdisho Musuq-maasuq Maxkamad lasoo taagay

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madixii waaxda Canshuuraha Dekadda Muqdisho, Axmed Cabdullaahi Sawow ayaa maanta lasoo taagey isaga iyo shaqaale kale Maxkamadda gobolka Banaadir, oo ka billaabatey dhageysi eedo musuq-maasuq oo xabsiga loo dhigy.

Sawow oo kamid ahaa Kooxdii Ololaha doorashadda, ayaa lasoo xiray bishii August ee lasoo dhaafay, kadib markii Xafiiska Xeer Ilaalinta uu kusoo oogey dacwado la xiriira musuq-maasuq iyo inuu lusaday lacago badan, oo hanti dowladeed ah.

Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir, Muuse Maclin Maxamed ayaa sheegay in uu dhageystay maanta labada dhinac ee qaraanada difaacaya Samow iyo shaqsiyaadka kale iyo kuwa ka socda xeer ilaalinta ee Kiiska musuq-maasuqa kusoo oogay.

Axmed Cabdullaahi Samow

Kadib dhageysigii dawacadda, gudoomiyaha Maxkamadda ayaa sheegay in fadhi kale la isagu imaan doono kaasoo go'aan uga gaari doonaan eedeymaha musuq-maasuq Madixii Laanta Canshuuraha Wasaaradda Maaliyadda ee Dekadda iyo shaqaalaha xafiiskiisa.

Waa mas'uulkii labaada oo isla maanta kasoo hor-muuqday Maxkamadda gobolka Banaadir, isagoo musuq-maasuq loo haysto, waxaana tani ay tooshka ku ifinayso heerka uu gaarsiisan yahay musuq-maasuqa ka jira xafiisyada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa saaka Maxkamadda sidoo kale lasoo taagey Agaasimihii waaxda dib u dejinta Barakaciyaasha Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, oo lagu eedeeyay musuq-maasuq. [Halkan ka akhri Warka]

Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa tan iyo markii xilka loo magacaabey sanadkii tagey marar badan munaasabado iyo shirar ka shaaciyay inuu la dagaalamayo musuq-maasuqa curyaamiyay Soomaaliya oo safka hore kaga jirta liiska hore dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gudoomiyah Baydhabo oo lagu soo rogay Xabsi Guri xili xiisad ka jirto Koonfur Galbeed

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay dowladda faahfaahin dheeraad ah ka bixiso xaaladda sharciga ah ee guddoomiye Watiin.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 01:27PM

Duqeyn Sirdoon Oo Lagu Beegsaday Shir Al-Shabaab lahayd; 33 Lagu Dilay

Ciidamada amniga ayaa sidoo kale sheegay inay burburiyeen gaari nooca pick-up ah oo lagu rakibay qori culus.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 08:37AM