Magacaabista Safiirka Soomaaliya u jooga Mareykanka oo Abuurtay Su’aalo

Image

MUQDISHU (GO)- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bartamihii sanadkan u magacaabay Daahir Xasan Carab, oo ahaa Guddoomiyihii Jaamacadda SIMAD, inuu noqdo Safiirka Soomaaliya u jooga Washington. Daahir Carab oo la rumeysan yahay inuusan lahayn wax waayo-aragnimo ah ee la xiriirta shaqo dowladeed, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa waxaa uu shahaadada heerka labaad ee Maamulka Waxbarashada ka qaatay Jaamacadda IUIU ee dalka Uganda.

Sidoo kale, Maxamed Muuse, oo ahaa madaxii SIMAD ILAB, ayaa loo magacaabay Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Washington. Maxamed Muuse waxa uu shahaadada Master-ka ku soo qaatay dalka Japan, xilligii madaxweyne Xasan Sheekh uu xilka hayay dowladdiisii hore, taas oo sidoo kale keentay su’aalo ku saabsan waayo-aragnimadiisa diblomaasiyadeed.

Dhowaan ayay aheyd mar la furayey xarunta cusub ee Jaamacadda SIMAD (Town Campus), Wasiirkii hore ee Qorsheynta, Cabdiraxmaan Yuusuf Ceynte, uu sheegay in uu isagu ahaa qofkii fududeeyay deeqda waxbarasho ee uu ku baxay Maxamed Muuse, taas oo sii iftiimisay xiriirka u dhexeeya jaamacadda iyo Villa Somalia.

Magacaabistaasi ayaa dhalisay walaac ku saabsan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu si gaar ah ugu faa’iideynayo hal jaamacad, SIMAD xilalka dowlada, isagoo adeegsanaya awoodda dowladnimo.

Dhinaca kale asbuucii hore ayaa guddi ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo su’aalo waydiinayay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Macallim Fiqi, ay sheegeen in Wasiirka lagu eedeeyay inuu si sharci-darro ah 17 qof ugu magacaabay la-taliyeyaal ka howlgala safaaradaha Soomaaliya ee caalamka, iyagoo aan lahayn waayo-aragnimo diblomaasiyadeed oo hore, isla markaana aan ka shaqayn Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

La-taliyeyaasha sare ee la magacaabay ayaa la sheegay in loo diray safaaradaha Soomaaliya ee dibadda, oo ay ku jiraan dalalka Turkiga, Mareykanka, Uganda, Kuwait, Suuriya, Kenya, Koonfur Afrika, Masar, Sacuudiga, Belgium, iyo Talyaaniga.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM

Soomaaliya: Ciidamo lagu daadiyay Muqdisho kahor doorashada lagu muransan yahay

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo looga hortagayo falal carqaladeyn kara doorashada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 02:07PM