Magacaabista Safiirka Soomaaliya u jooga Mareykanka oo Abuurtay Su’aalo

Image

MUQDISHU (GO)- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bartamihii sanadkan u magacaabay Daahir Xasan Carab, oo ahaa Guddoomiyihii Jaamacadda SIMAD, inuu noqdo Safiirka Soomaaliya u jooga Washington. Daahir Carab oo la rumeysan yahay inuusan lahayn wax waayo-aragnimo ah ee la xiriirta shaqo dowladeed, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa waxaa uu shahaadada heerka labaad ee Maamulka Waxbarashada ka qaatay Jaamacadda IUIU ee dalka Uganda.

Sidoo kale, Maxamed Muuse, oo ahaa madaxii SIMAD ILAB, ayaa loo magacaabay Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Washington. Maxamed Muuse waxa uu shahaadada Master-ka ku soo qaatay dalka Japan, xilligii madaxweyne Xasan Sheekh uu xilka hayay dowladdiisii hore, taas oo sidoo kale keentay su’aalo ku saabsan waayo-aragnimadiisa diblomaasiyadeed.

Dhowaan ayay aheyd mar la furayey xarunta cusub ee Jaamacadda SIMAD (Town Campus), Wasiirkii hore ee Qorsheynta, Cabdiraxmaan Yuusuf Ceynte, uu sheegay in uu isagu ahaa qofkii fududeeyay deeqda waxbarasho ee uu ku baxay Maxamed Muuse, taas oo sii iftiimisay xiriirka u dhexeeya jaamacadda iyo Villa Somalia.

Magacaabistaasi ayaa dhalisay walaac ku saabsan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu si gaar ah ugu faa’iideynayo hal jaamacad, SIMAD xilalka dowlada, isagoo adeegsanaya awoodda dowladnimo.

Dhinaca kale asbuucii hore ayaa guddi ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo su’aalo waydiinayay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Macallim Fiqi, ay sheegeen in Wasiirka lagu eedeeyay inuu si sharci-darro ah 17 qof ugu magacaabay la-taliyeyaal ka howlgala safaaradaha Soomaaliya ee caalamka, iyagoo aan lahayn waayo-aragnimo diblomaasiyadeed oo hore, isla markaana aan ka shaqayn Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

La-taliyeyaasha sare ee la magacaabay ayaa la sheegay in loo diray safaaradaha Soomaaliya ee dibadda, oo ay ku jiraan dalalka Turkiga, Mareykanka, Uganda, Kuwait, Suuriya, Kenya, Koonfur Afrika, Masar, Sacuudiga, Belgium, iyo Talyaaniga.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM