Mahad Salaad: Al-Shabaabka dilay Ikraan waa Fahad Yaasiin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa su'aal ka keenay sheegashadda mukhaabaraadka Soomaaliya ee la xiriirta in Ikraan Tahliil Faarax ay dishay A-Shabaab.

Sharci-dejiyaha oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa daaha ka rogay in madaxii internet-ka NISA ay ku baxdey gacanta agaasimihii ay ka hoos-shaqeyneysay.

Sida laga soo xigtay Mahad oo kamid ah xubnaha ugu culus xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka, Ikraan waxaa dilkeeda qorsheeyay kadibna duugay Fahad Yaasiin Daahir, madaxa NISA.

Qoyska haweeynayda ayuu cod dheer ugu baaqay in ay furaan gal-dacwadeed ka dhan ah Fahad, oo ah gacanta midig ee madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Maxamed C/llaahi Farmaajo.

"Al-Shabaabka Fahad Yaasiin sheegay in ay dileen Ikraan Tahliil waa ISAGA. Isagaa dilay, duugayna Ikraan Tahliil. Ehelada Ikraan waxaan kula talinayaa in ay furtaan gal dacwadeed Fahad ka dhan ah," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "RW Maxamed Xuseen Rooble waxaan kula talinayaa in uu xilka ka qaado ninkaas dambiilaha ah, dalkana in uu ka baxo aan loo oggolaanin si Maxkamad loo soo taago!".

Dhawaqa NISA ayaa kusoo beegmaya xilli todobaadkii hore ay hooyada Ikraan ay ku hanjabtay in ay qadiyadeeda isku rogi doonto dagaal qabiil haddii cadaalad ay u heli wayday Inanteeda.

Ikraan ayaa xilal kala duwan kasoo qabatay hay'adda mukhaabaraadka Soomaaliya. Madaxa amniga internet-ka iyo madaxa xafiiska xuquuqul insaanka ayaa kamid ah jagooyinka shaac-baxsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM