Mahad Salaad: Al-Shabaabka dilay Ikraan waa Fahad Yaasiin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa su'aal ka keenay sheegashadda mukhaabaraadka Soomaaliya ee la xiriirta in Ikraan Tahliil Faarax ay dishay A-Shabaab.

Sharci-dejiyaha oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa daaha ka rogay in madaxii internet-ka NISA ay ku baxdey gacanta agaasimihii ay ka hoos-shaqeyneysay.

Sida laga soo xigtay Mahad oo kamid ah xubnaha ugu culus xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka, Ikraan waxaa dilkeeda qorsheeyay kadibna duugay Fahad Yaasiin Daahir, madaxa NISA.

Qoyska haweeynayda ayuu cod dheer ugu baaqay in ay furaan gal-dacwadeed ka dhan ah Fahad, oo ah gacanta midig ee madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Maxamed C/llaahi Farmaajo.

"Al-Shabaabka Fahad Yaasiin sheegay in ay dileen Ikraan Tahliil waa ISAGA. Isagaa dilay, duugayna Ikraan Tahliil. Ehelada Ikraan waxaan kula talinayaa in ay furtaan gal dacwadeed Fahad ka dhan ah," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "RW Maxamed Xuseen Rooble waxaan kula talinayaa in uu xilka ka qaado ninkaas dambiilaha ah, dalkana in uu ka baxo aan loo oggolaanin si Maxkamad loo soo taago!".

Dhawaqa NISA ayaa kusoo beegmaya xilli todobaadkii hore ay hooyada Ikraan ay ku hanjabtay in ay qadiyadeeda isku rogi doonto dagaal qabiil haddii cadaalad ay u heli wayday Inanteeda.

Ikraan ayaa xilal kala duwan kasoo qabatay hay'adda mukhaabaraadka Soomaaliya. Madaxa amniga internet-ka iyo madaxa xafiiska xuquuqul insaanka ayaa kamid ah jagooyinka shaac-baxsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Xamse oo sagootiyay ergayga Qaramada Midoobay

Catriona Laing ayaa soo gaba-gabeysey shaqadeedii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay dalka.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 11:37AM

Sarkaal ka tirsanaa booliska Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Falkan wuxuu qeyb ka yahay toogashooyin qorsheysan oo caasimada Soomaaliya ka dhacayay maalmihii dambe.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 05:26AM