Kiiska Ikraan Tahliil oo ku dhow in uu isku rogo dagaal qabiil

Image
Qaali Maxamuud Guhaad

MUQDISHO, Soomaaliya - Kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo muddo laba bilood ah la sheegay in ay u afduuban tahay hay'adda sirdoonka Soomaaliya ayaa u muuqanaya mid kusii siqaya in uu isku bedelo iska-hor-imaad qabiil.

Qaali Maxamuud Guhaad, oo ah hooyada dhashay Ikraan oo xilal kala duwan kasoo qabatay hay'adda NISA, ayaa Sabtida maanta ah waxay cod dheer ku sheegtay in loogu awood sheeganayo shaarka dowladda.

"Shirkada isgaarsiinta Hormuud waxay noo diidey in ay na siiso lamberkii ugu dambeeyay ee wacay. Waxaa meeshaas uga jeedaa power abuse [awood sheegasho] na haysato oo aan waxba laga qabaneyn," ayay tiri.

Madaxda ugu sareysa waddanka ayay si adag ugu dhaleeceysay in aysan wali si furan uga hadlin kiiska. Xukuumadda xilgaarsiinta waxay mar sii horeysay guddi u saartey qadiyadan, balse wali war lagama hayo.

"Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha waa ku ceeb in ay ka aamusan yihiin kiiska gabadheyda muddo laba bilood ah. Madaxweynaha waqtigiisa waa dhamaadey hadana xil buu rabaa sidee lagu doortaa hadii uu wax ka qaban la'yahay gabadha yar ee magaalada uu ka talinaayey ay ku afduuban tahay," ayay intaas ku dartay.

Garowe Online ayaa ogaadey in Ikraan ay kamid tahay saraakiil kale oo aad ugu dhowaa hogaanka mukhaabaraadka Soomaaliya kuwaas oo lagu tuhmay in ay dusiyeen "macluumaadyo xasaasi ah".

"Aniga ayaa qoriga qaadanayo"

"Gabadheyda dad ayay ka dhalatay. Ciidamadan aad u bixiseen Gorgor iyo Waran boqolkiiba 70% waa dadkeeda. Haddii ay tahay hala is-dili gabadheyda dadkan uma xirnaan karto. Madaxweyne gabadheyda iiga soo daa dadkan," ayay raacisay iyadda oo ilmeynaysa.

Agaasinka la tuhunsan yahay ee NISA oo wali aan si furan uga hadlin kiiskan ayaa, sida ay sheegtay Qaali, waxay reerka la sameeyeen xiriir hase ahaatee, balanti ay u qabteen waa lasoo dhaafay waqtigeeda.

"Fahad Yaasiin inta uu ii wacay oo nagu yiri Maama laba berri iga war-sug illaa hadda ayay igu soo qaadatay wuxuu ka hadlaayo malahan wuxuu ka sameeyayna malahan. Doorasho la aadayo malahan hala is-dilo ilaa gabadheyda laga soo daynaayo, haddii kale muddo 48aad gudahooda ah ha la igu soo daayo" ayay xustey.

Marwo Qaali oo la xiriirtay hooyada Fahad si ay ugu cadaadiso in uu xorriyadeeda u soo celiyo gabadheeda ayaa ku hanjabtay in haddii 48aad saac gudahooda xal lagu heli waayo ay qudheeda qaadan doonto qoriga.

"Ra'iisul wasaaraha kursiga anaga ayuu nagu matalaa. Fariin cod ayaan u duubay ma uusan isoo jawaabin. Haddii uu kasoo hadli waayo walaahi aniga oo Qaali ayaa banduuq [qoriga] qaadanaayo," ayay tibaaxdey.

Iyadda oo kiiska gabadheeda ku sifeysay "xaniyo taabad," Qaali ayaa saraakiisha iyo askarta ciidamadda xoogga ee ku heybta ah Ikraan ugu qaylo-dhaamisay in ay difaacdaan "xaniyahooda soona daayaan gabadhooda".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe bilado u xiray askar iska-celisay AS [Sawirro]

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in cadowgu uu tabar yaryahay loona baahan yahay in la is raaciyo.

  • Soomaliya

    24-07-2024

  • 05:28PM

Guulihii Ciidamada ee weerarada AS ee duleedka Kismaayo

Waxa uu sheegay in ugu yaraan 20 dagaalyahan ay nolosha ku qabteen. Sidoo kale waxa uu sheegay in qasaaraha ugu badan uu ka dhacay Buulo Xaaji.

  • Soomaliya

    23-07-2024

  • 01:09PM