Mahad Salaad oo difaacdey kursigiisa Golaha Shacabka

Image
Mahad oo ay u tanaasushay gabadhii la tartami lehayd ayaa ka soo baxay cod gacan taag ah

MUQDISHO, Soomaaliya – Mahad Maxamed Salaad, ayaa khamiista maanta ah ku soo baxay codayn ka dhacday magaaladda magaaladda Dhuusamareeb oo la sii ogaa natiijadeeda maadaama beesha uu ka soo jeedo iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ay xildhabaankaan ka tirsan UPD u xireen kursiga tirsigiisu yahay hop147 ee deegaan doorashadiisu tahay Guriceel.

Mahad oo ay u tanaasushay gabadhii la tartami lehayd ayaa ka soo baxay cod gacan taag ah, sida uu ku dhawaaqay guddiga doorashada heer dowlad-goboleed ee Galmudug.

Salaad ayaa si wayn ugu soo dhex muuqday Baarlamaan isaga oo naqdinaya madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo iyada oo fadhiyadii ugu dambeeyay golaha shacabka loo diiday ka dib Maxamed Mursal oo ay xulufo siyaasadeed yihiin Farmaajo uu ganaax ku soo rogay.

Inta badan xubnihii la tartami lahaa Mahad ayaa tanaasulay halka Cali Yare Cali iyo wasiirkii qorshaynta Galmudug Cabdinaasir Geelle Cilmi ay sheegeen in madaxweyne Qoor Qoor uu sicad ugu sheegay in kursigaasi Mahad loogu xiray.

Cali Yare Cali, oo ka mid ah ragga sida weyn u taageersan nidaamka Farmaajo, uu si rasmi ah u waayey kursiga HOP#147 oo loo diiday xataa inuu u tartamo, ayada oo laga celiyey garoonka Aadan Cadde.

Arrimahan ayaa imanaya xili laga deyrinayo doorashada Golaha Shacabka, oo noqotay mid magac u yaal ah, maadama inta badan xildhibaanada kusoo baxay kuraasta la doortay ay yihiin kuwo markii horeba loo xiray oo lasii ogaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM