Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Image

MUQDISHO – Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Salaad, ayaa saacadaha soo socda ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo la filayo inuu kulan gaar ah la yeesho Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), xilli uu muran siyaasadeed ka taagan yahay hannaanka doorashada maamulkaasi.

Warar laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in safarka Mahad Salaad uu qayb ka yahay dadaallo lagu doonayo in wada-hadal iyo is-afgarad lagu xalliyo khilaafka ka taagan hoggaanka Galmudug, iyadoo ay sii xoogeysanayaan dhaq-dhaqaaqyada la xiriira doorashooyinka maamulka.

Sida ay sheegayaan ilo ku dhow arrimaha socda, Madaxtooyada Soomaaliya ayaa doonaysa in Liibaan Shuqul, oo ka mid ah siyaasiyiinta aadka ugu dhow Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, loo diyaariyo hoggaanka Galmudug. Arrintan ayaa la sheegay inay dhalisay xiisado siyaasadeed iyo kala aragti duwanaansho ku saabsan cidda hoggaamin doonta maamulka.

Ilo wareedyo ayaa intaa ku daray in kulanka la filayo inuu dhex maro Mahad Salaad iyo Qoor-Qoor uu diiradda saari doono sidii loo dejin lahaa xiisadda siyaasadeed iyo sidii loo gaari lahaa is-afgarad ka hor doorashooyinka maamulka Galmudug.

Madaxtooyada Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM