Mahad Salaad oo sharaxay qaabka loogu diidey kulanka Golah Shacabka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa shaaca ka dhigay in ciidamaddii ka hor-istaagtey kulankii maanta ee Golaha Shacabka ay hogaaminayeen saraakiil ku heeb ah.

Sidda laga soo xigtey sharci-dejiyaha, suurtagalnimo kasta oo isku dhac uu ku imaan karay waxaa meesha ka saartey in ah is-aqoonsadeen ilaaladda Xildhibaanadda iyo askarta ka socotay dowladda.

Mudanaha oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa daaha ka rogay in ay "haboon tahay in la isla dulqaado heeryadda Farmaajo",

"Isgoyska Dabka iyo Ceelgaabta oo ah irdaha Madaxtooyada laga galo marka loo socdo xarunta Golaha Shacabka ayaa saakay nagula celiyay aniga iyo Xildhibaano kale oo u socday shirkii Golaha Shacabka," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Ciidamada na celiyay waxay ahaayeen kuwa Booliska waxaana hoggaaminayay saraakiil qaraabada ah oo sida la ii sheegay xalay la soo xulay, malaha Farmaajo wuxuu islahaa hadii wax dhacaan kuwa dhimanaya iyo kuwa laga dhimanayo isku iyaga ha noqdeen".

"Ciidamada kale Fahad iyo Farmaajo ku talagaleena waxaa la ii sheegay in ay dhoobnaayeen irida Madaxtooyada ilaa Villa Hargeysa oo ah Xarunta Golaha Shacabka," ayuu xusay.

Mahad ayaa ku daray: "Nasiib wanaag ciidamadii nala socday iyo kuwii meesha aan ugu nimid dad qaraabo ah oo isgaranaya ayay ahaayeen. Saraakiishii ciidamadaas watay waa noo yimaadeen, mana rabo in aan ka faalloodo wixii ina dhex maray lkn waxaan rabaa inaan u mahadceliyo, kuna amaano shaqada ay dalka u hayaan iyo fahamkooda ku aadan marxalada siyaasadeed iyo mida amni ee dalku ku suganyahay".

"Hadaan u soo laabto biyadhaca hadalkeyga markaan oo kale Soomaalidii hore waxay dhihi jireen “NINKII LOWGA KAA GUBA XAGASHA AYAA LAGA GUBAA"," ayuu tibaaxay

Xildhibaanka ayaa kusoo afjaray hadalkiisa: "Rag aan isdayno wuxuu ku dhaamo la waa ee shirarka jaraa’id iyo sheekadaan aan dhamaadka lahayn inta la iska dhaafo, hayin hala noqdo ama heeryada Farmaajo hala iska dulqaado!".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM