Maleyshiyadda AS oo la sheegay in ay gowracdey dad shacab ah

Image
Falkaan ayaa ka dhacay degmada Buula Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

MUQDISHO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay gowraceen nin magaciisa lagu sheegay Difaa oo ay ku eedeeyeen in uu la shaqeyn jiray ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Falkaan ayaa ka dhacay degmada Buula Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana uu noqonayaa xukunkii labaad oo muddo todobaad gudihiis ah lagu fuliyo.

Falkan ayaa sidoo kale wuxuu noqonaya kii saddexaad oo bishan gudaheeda ay Al-shabaab meel fagaare ah qoorta kaga jareen dad shacab ah oo ay ku eedeeyeen inay taageerayaan ciidamada dowladda.

Sidoo kale, kooxdan ayaa dil toogasho ah ku fulisay nin ka mid ahaa darawallada Mooto Bajaajta oo marayay agagaarka deegaanka Faraxaanole oo u dhexeeya Qoryooley iyo Buula Mareer, iyadoo lagu eedeeyay eedeymo la mid ah kuwii hore.

Kooxda ayaa sii kordheysa beegsiga dadka rayidka ah iyo ganacsatada, gaar ahaan kuwa u hoggaansamaya awaamiirta dowladda sida ku rakibidda kaamirooyinka CCTV ee goobaha ganacsiga.

Todobaadkan, ugu yaraan shan qof oo ay ku jiraan carruur ayaa ku dhaawacmay qaraxyo miino oo lala beegsaday guryo ku yaalla degmada Garasbaaley ee magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in lix walxaha qarxa lagu soo xiray bannaanka guryaha oo ay ku rakiban yihiin kaamirooyinka ammaanka, taasi oo muujineysa sida Al-Shabaab ay uga aargudaneyso tallaabooyinka ilaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM