Maraykanka oo hal shuruud ku xiray "aqoonsiga" Somaliland

Image
Hadalka Safiirka Maraykanka ayaa yimid xilli Somaliland ay codsi u gudbisay. dowladda Maraykanka.

WASHINGTON, USA – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre, ayaa mar kale sheegay in Mareykanku uu hal siyaasad ka haysto Soomaaliya, uuna aqoonsan yahay xuduudka la sameeyay xilligii xorriyadda isaga oo la hadlaayay jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka.

Safiirka ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad ka dhacday magaalada Minneapolis oo qeyb ka ah dabbaaldegga xuska xorriyadda Soomaaliya oo ay soo qabanqaabiyeen bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Maraykanka.

“Siyaasaddeenu waa mid la mid ah 62-kii sannadood ee u dambeeyay, oo ah Soomaaliya taariikhi ah, xuduudaheeda taariikhiga ah, tan iyo markii ay isku biireen waxii loo aqoon jiray British Somaliland iyo Italian Somaliland oo ay hal dal wada dhisteen,” ayuu yiri safiirka Maraykanka ee Soomaaliya.

Danjire Andre waxa uu sheegay in aqoonsiga wada-hadallada maqaamka madax-bannaanida ay tahay in ay si gaar ah u go’aamiyaan Soomaaliya iyo Somaliland.

Danjiraha ayaa intaas ku daray in Mareykanka uu wax ka bedeli doono siyaasaddiisa Soomaaliya oo hal ah haddii labada dhinac ay ku heshiiyaan in xaalad isbedel ah la sameeyo.

Hadalka Safiirka Maraykanka ayaa yimid xilli Somaliland ay dowladda Maraykanka u gudbisay in loo ixtiraamo gooni isku taaggooda ay ku doonayaan in kaga go’aan Soomaali inteeda kale.

Dhawaan ayay markii guddi ka tirsan Koongareeska Mareykanka uu sare u qaaday sharci kor u qaadaya iskaashiga dhanka amniga ee Mareykanka uu la leeyahay gobolka ismaamula ee Somaliland ka dib markii dhowr isbedel oo ay ka codsadeen Maraykanka.

Gobolka ayaa ku guulaystay in uu qabto doorasho dadweyne oo ay goob-joogayaal caalami ah ka qayb galeen taas oo soo jiidatay indhaha caalamka. Somaliland waxay ku dhawaaqday in ay ka go'day Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1991-dii inkastoo aysan helin aqoonsi caalami ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM