Maraykanka oo laga yaabo inuu wadahadallo la furo Al-Shabaab

Image

Washington, July 8, 2025 – Waxaa sii kordhaya suuragalnimada ah in dowladda Maraykanka ay bilaabato wadahadallo la xiriira kooxda hubeysan ee Al-Shabaab si loo soo afjaro colaadda muddada dheer ka socotay Soomaaliya, sida uu sheegay Hamza Warfa, oo horey u ahaan jiray la-taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.

Warfa oo wareysi siiyay Universal Somali TV ayaa sheegay in ay adag tahay lagana feker la’ yahay in lacag malaayiin doollar ah lagu sii shubo xalka milatari ee Al-Shabaab, iyadoo dadaalladaas aysan wax horumar ah ka soo bixin tobannaan sano.

“Waxay noqotay wax aan waaqici ahayn in la rumeysnaado in xoog milatari lagu xallin karo arrinta Soomaaliya,” ayuu yiri Warfa. “Waxay u muuqataa in maamulka Trump uu horeyba u bilaabay wada-xaajoodyo la xiriira Al-Shabaab, taasoo fursad u noqon karta in la soo afjaro colaadda.”

Warfa, oo sidoo kale ah diblomaasi hore oo Soomaaliyeed, ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu toddobaadyada soo socda la kulmo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Madaxweyne Donald Trump si uu ugu dhiirrigeliyo inay qaadaan tallaabooyin rasmi ah oo wadahadal ah.

Ujeeddada kulamadaas, ayuu sheegay, waa in la ilaaliyo danaha Maraykanka iyo in shacabka Soomaaliyeed – oo tobannaan sano dhibaatooyin kala kulmay dagaallada – loo abuuro fursad ay ku helaan nabad waarta.

Inkasta oo maamulka Maraykanka aanu si rasmi ah uga hadlin arrintan, hadalka Warfa ayaa muujinaya isbeddel suurtagal ah oo ku wajahan siyaasadda Washington ee ku aaddan Soomaaliya, gaar ahaan xilligan ay adkaaneyso in la helo guulo muuqda oo milatari ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM