Mareykanka iyo Israel oo raba inay Falastiiniyiinta Gaza geeyaan Soomaaliya iyo Sudan

Image

WASHINGON - Wakaaladda AP ayaa qortay in Mareykanka iyo Israel ay xiriir la sameeyeen dowladaha Sudan iyo Soomaaliya, islamarkaana ay kala hadleen qorshahooda ah in dalkalkooda la geeyo Falastiiniyiinta laga soo saarayo Gaza.

Wadamadan ayaa lagu wargeliyay in Maraykanka iyo Israa’iil ay u kala qeybin doonaan labo milyan oo Falastiiniyiin ah, iyadoo arintan uu wado Donald Trump. Si weyn ayaa loo cambaareeyay qorshahan, waxaana horey u diiday Masar iyo Urdun.

Falastiiniyiinta Gaza ayaa sheegay in aysan doonayn qaxooti inay ku noqdaan dal kale, sidaas darteed ay doorteen inay ku dhintaan deegaankooda ama si sharaf leh ugu noolaadaan, xili Israel ay dishay 62,000 oo shacab ah 15-kii bilood ee lasoo dhaafay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa shalay Qudus kula kulmay dhigiisa Israel, iyagoo kawada hadlay dagaalka Al-Shabaab, khatarta Xuutiyiinta iyo arrimo kale oo qorshaha Falastiiniyiinta lagu keenayo Bariga Afrika uu ku jiro.

Dowladaha Soomaaliya iyo Sudan ayaa sheegay in wax xiriir ah Mareykanka iyo Israel kala soo sameynin arinta qaxootiga reer Falastiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa ka socda Xalane maanta?

Diblomaasiyiinta caalamiga ah ayaa sheegay in xalinta khilaafka siyaasadeed ay tahay arrin u taalla Soomaalida.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 08:24AM

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo ku ballansan Shirka ka dhacaya Xalane

Wakiillada beesha caalamka iyo diblomaasiyiin sar-sare ayaa soo dhex-galay dhinacyada si ay u fududeeyaan is-fahamka.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 05:09PM