Mareykanka iyo Ukraine oo Kala Saxiixday Heshiis Dhaqaale Kadib Markii Trump Dood Keenay
GAROWE ONLINE — Dowladda Mareykanka iyo Ukraine ayaa ku dhawaaqay Arbacadii heshiis cusub oo ay ku dhisayaan sanduuq maalgashi iyo dib-u-dhis, taas oo ujeedadeedu tahay in lagu taageero dhaqaalaha Ukraine, isla markaana Mareykanka u helo fursad uu kaga faa’iideysto khayraadka dabiiciga ah ee dalkaas.
Heshiiskan cusub ayaa yimid kadib bilooyin wadahadal adag ah oo u dhexeeyay labada dal, kuwaas oo la xiriiray kaalmooyinka Mareykanku siiyo Ukraine iyo mustaqbalka xiriirka labada dal xilli uu dagaal culus ka socdo dalka Ukraine.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa tan iyo bilowgii wadahadallada bishii Febraayo sheegay in Ukraine bixiso kharashka gala dagaalka ay kula jiraan dalka Ruushka, hadii kale dammaanad qaad amni ka helaan Yurub halkii ay ka heli lahaayeen Mareykanka.
Si kastaba, Wasiirka Maaliyadda Mareykanka, Scott Bessent, ayaa sheegay in heshiiska uu fariin adag u dirayo Ruushka, islamarkaana uu muujinayo sida ay dawladda Trump uga go’an tahay inay taageerto Ukraine mustaqbalka. Wuxuu sidoo kale sheegay in cid kasta oo taageertay dagaalka Ruushka kula jiro Kyiv aysan ka faa’iideysan doonin dib-u-dhiska Ukraine taas oo loo fasirtey inuu ula jeedo dalka China.
Inkastoo faahfaahinta heshiiska si buuxda aan loo shaacin, waxaa la sheegay in Mareykanka uu xoojin doono maalgashiga ku wajahan dib-u-dhiska, iyada oo la filayo in Shirkadda Maalgashiga Dibadda ee Mareykanka (DFC) ay Ukraine kala shaqeyso howlgalkaas.
Ra’iisul Wasaaraha Ukraine, Denys Shmyhal, oo qoraal ku daabacay baraha bulshada ayaa sheegay in labada dal ay lahaan doonaan xuquuq siman oo cod-bixineed oo ku saabsan maamulka sanduuqa maalgashiga. Wuxuu intaas ku daray in Ukraine ay sii haysan doonto dhammaan maamulkeeda kheyraadka dabiiciga ah ee ku jira dhulka hoostiisa.
Shmyhal wuxuu sheegay in heshiiska uu fursad weyn siin doono Ukraine si ay u hesho teknolojiyad cusub iyo maalgelin ballaaran oo ka timaadda Mareykanka, si dalkaas uu dib uga soo kabto dagaalka.
Heshiiska ayaa dib u dhacay kadib kulan kulul oo dhex maray Trump iyo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky bishii Febraayo, iyadoo khilaafka ugu weyn uu ahaa in Mareykanku dalbanayo in Ukraine ay dib u bixiso kharshkii galay dhammaan caawimadii militari ee ay horay u heshay — arrinkaas ayaa dowladda Ukraine ku tilmaantay inuu yahay culeys dhaqaale oo qarankooda saarnaan doona muddo dheer.
Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in Ukraine ay markii hore soo jeedisay in Mareykanka ay siiyo maalgelin ku aaddan macdanta iyo kheyraadka dabiiciga ah, taasoo badalkeeda Kyiv Washington ka dalbatey iney bixiso dammaanad amni oo lagaga hortago weerarro dambe oo ka yimaada Ruushka.
Inkastoo heshiiskan uu yahay tallaabo la taaban karo, hadana ma noqon karo mid miro-dhal ah haddii uu dagaalka u dhexeeya Ukraine iyo Ruushku sii socdo.
Garowe Online