Mareykanka oo baaq cusub u diray madaxda Soomaalida

Image
Washington ayaa walwal ka muujisay suurtagalnimada dib-u-dhac kale oo ku yimaada doorashooyinka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay dib u dhac kale oo ku yimaada doorashadda Soomaaliya, taasoo uu ka digay inay dhaawacayso dib usoo kabashada dalka.

Safaaradda Mareykanka oo qoraal kooban ku daabacdey Twitter-ka ayaa ugu baaqdey Madaxda Maamullada inay 15-ka bishan kusoo dhameystiraan doorashadda kuraasta Gollaha Shacabka.

Hadalkan ayaa yimid markii Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, uu Khamiista maanta ah  kulan la yeeshay safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre.

Xafiiska Rooble ayaa xusay in dhinacyada ay "wada hadleen arrimaha doorashooyinka dalka, iyadoo ay heer gebogebo ah mareyso doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka".

Sida laga soo xigtey war-saxaafadeedka, Rooble iyo  Andre ayaa isla soo qaadey habsami u socodka doorashada iyagoo isla soo qaaday sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashada xildhibaannada Golaha Shacabku ku soo idlaato xilligii ay horay ugu heshiiyeen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee 15-ka Maarso.

"Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay xowliga ay ku socoto doorashada, iyadoo ilaa hadda la doortay 80% xildhibaannada Golaha Shacabka," ayaa la raaciyey.

Wasiirka koowaad ee dalka Rooble ayaa, sida ku cad bayaanka, inta uu socday wadaxaajoodkan wuxuu hoosta ka xariiqay "in aan la aqbali karin dib u dhac kale oo doorashada ku yimaada".

"Wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu ka codsaday madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada in ay doorashada soo gebogebeeyaan ugu dambeyn 15-ka Maarso sidii horay loogu heshiiyay," ayaa lagu soo xiray.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa horey ugu heshiiyey in muddo 15-casho ah lagu soo gabagabeeyo xulista Golaha Shacabka taasoo kasoo bilaabaneysa 15-ka Febraayo ee sanadkan 2022-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM