Mareykanka oo dabciyey mowqifkiisa maamulka Axmed Madoobe

Image

KISMAAYO, Jubaland – Mareykanka oo war qoraal ah soo saarey ayaa Villa Soomaaliya iyo madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyadda ugu baaqey in ay dhinac iska dhigaan kala aragti-duwanaanta.

War-saxaafadeedka oo kasoo baxay Safaaradda Muqdisho ayaa lagu booriyey in ay wada-hadlaan si loo wiiqo Al-Shabaab isla markaana looga gudbo caqabadaha amniga kahor doorashooyinka 2020-21.

Sidoo kale, waxay soo jeedisay in Dowladda iyo Maamuladda ay dib u bilaabaan wada shaqeynta iyo is-dhex-galka siyaasadeed.

Tani ayaa muujineysa in safiirka Mareykanka uu dabciyey mowqifkiia hogaanka haatan jira ee dowlad goboleedka Jubaland.

Axmed Madoobe ayuu bayaanka cusub ugu yeeray "madaxweyne" halka war-saxaafadeedyadii hore uu ku tilmaamay jiray "hogaamiye".

Tani ayaa kusoo aadeysa iyadoo Qaramada Midoobay, Safaarada Ingiriiska, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ay ka gaabsadeen natiijada doorashadii Galmudug oo Donald Yamamota uu aqoonsadey.

Yamamota ayaa cambaareyn kala kulmay saamileyda iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo ku eedeeyay "in uu dhinac gaar ah la saftay".

Dowladda ayaa lagu eedeeyay in ay musuqmaasuqday hanaanka soo xulista baarlamaanka labaad ee Galmudug oo la tilmaamay in ay ku jireen shaqaalo ka tirsanaa xafiisyada Farmaajo iyo Khayre.

Dhanka kale, illo xog ogaal ah ayaa Garowe Online u sheegay in Yamamota uu cadaadis saarey madaxweyne Farmaajo kadib dhaleeceynta kasoo gaartay saamileyda siyaasadeed ee Galmudug.

Cadaadiska ayaa ah in ay la shaqeyso Axmed Madoobe iyo maamulada kale. Xogta waxay xuseysaa in dowlada dhowaan soo saarto qoraal ay "madaxweyne" ugu yeeri doonto Axmed Maxamed Islaam.

Dowladda ayaa sidoo kale qorshuhu yahay in ay shir wadatashi ah ku casuuntay Dowladaha xubinta ah ee federaalka, arrintaas oo ka dhalatay cadaadiska Donald Yamamota uu saarey madaxweyne Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Sidoo kale, Dowladda Ingiriiska ayaa Dowladda Puntland ku wareejisay deeq isugu jirta daawooyin iyo agab caafimaad.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 02:57PM

Hormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika

Abaalmarintani waxay marqaati u tahay go’aankeenna adag ee ah dhismaha mustaqbal ifaya oo bulshada Soomaaliyeed u horseeda fursado.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 09:38AM