Mareykanka oo dib u bilaabaya taageerada ciidanka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqdey in ay qeyb ahaan dib u bilaabeyso taageerada ciidamadda xooga dalka Soomaaliyeed.

Xukuumadda Washingon ayaa waxay hakisay taburacaada milatariga bishii December sanadkii 2017-kii, sababo la xiriirka "musuq-maasuq iyo isla xisaabtan la'aan".

Balse ma aysan caddeyn qeybta ay dib u fasaxdey taageerada ay horey u siin-jirtay ciidanka.

Dowladda Federaalka oo talaabadan ka fal-celiyey ayaa soo dhaweeyay, waxayna sheegeen in ay door ka qaadaneyso dib u habeynta hadda ku socota xoogaga dowladda.

Mas'uuliyiinta Soomaaliya ayaa shaaciyey in go'aankan uu Mareykanku qaadey kadib "markii wax laga bedelay eedeymihii uu horey loogu jeediyey taliska ciidanka".

Taageerada Mareykanka uu siiyo ciidanka wadanka leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika oo u badan lacago malaayiin doolar ah ayaa ku baxda saanada iyo sahayda.

Sidoo kale Mareykanka ayaa wuxu tababar siiyaa ciidanka Soomaaliya, si gaar ah guutada loo yaqaano Danab oo fuliya howlgalada gaarka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ciidankan ayaa waxa ay ku xareesan yihiin saldhiga Beladoogle oo ku yaala gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo tababarkooda lagu siiyo ayna ka qaadaan gulufyadda.

Dib u bilaalista taageerada ayaa imaaneysa xili Mareykanka uu horey balanqaadey in todobada sano ee soo aadan uu kusoo afjarayo dagaalka ka dhanka ah kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM