Mareykanka oo Duqeyn Cirka ah ka fuliyay Koonfurt Somalia

Image

DJABOUTI- Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM), ayaa xaqiijiyay in Diyaaradahooda ay Weerar cirka ah ka fuliyeen deegaan ay Kooxda Al shabaab maamusho, oo ku yaalla Koonfurta dalka Somalia.

Patrick Barnes, oo ah Afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in Diyaaradaha Drones-ka ay fuliyeen Duqeyn lala bartilmaameedsadey hogaamiye katirsan Sirdoonka Kooxda Al shabaab, ee loo yaqaano Amniyat-ka.

AFRICOM ma aysan shaacin magaca Hogamiyaha ay bartilmaameedsadeen, iyo halka uu ka dhacay weerarka, balse waxa ay sheegeen in ay wadaan qiimeyn, islamarkaana ay dib kasoo fahfaahin doonaan.

Wararka Warsidaha GO uu helay ayaa sheegaya in Duqeynta ah ka dhacday shalay degmada Kuntuwaarey, ee gobolka Shabeellaha hoose, oo 100KM u jirta magaalada xeebta leh ee Baraawe.

Ibraahim Xaaji Daa’uud, oo ah hogaamiye sare oo ka tirsan Amniyat-ka Al shabaab ayaa lala eegtay weerarka Diyaaradaha Drones-ka, kaasi oo wararka ay sheegeen inuu ku dhintey Duqeynta.

Dhanka kale, Gudoomiyaha degmada Baraawe ayaa shalay sheegay in duqeyn Mareykanka uu ka fuliyay tuulo ku dhaw degmadaasi lagu dilay Hogaamiye uu kusoo koobay magaciisa Dheereeye.

Waa weerarkii labaad oo Mareykanka uu ka fuliyo Somalia tan iyo bishii Marso, markii uu Madxweyne Trump uu bixiyay ogolaanshaha in Militriga dalkaasi ay fuliyaan Duqeynmo ka dhan ah Al shabaab.

Mareykanka ayaa ka jooga gudaha Somalia Askar aan tiradooda la ogeyn, oo ka gacan siinaya Ciidamada dowladda Somalia iyo AMISOM dagaalka lagula jiro Al shabaab iyo dib usoo celinta nabada dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM