Mareykanka oo fahfaahiyey duqeymo uu la beegsaday Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa shaaciyey in laba duqeyn ay 16-kii bishan June ka fuliyeen meel ku dhow magaaladda Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe.

AFRICOM oo war-saxaafadeed soo saartay kaasi uu arkay GO ayaa tilmaamtay in howlgalkaasi ay ku khaarijiyeen laba dagaalame oo ka tirsanaa xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacidda.

Balse warka qoraalka ah ayaa nan lagu caddeyn qaabka u dhacday duqeynta, wallow saraakiisha ciidamada Soomaaliya ay tibaaxayaan in lala beegsaday xubno ku sugnaa bar kontarool.

"Illaa iyo haatan ma hayno waxyeelo weerarka cirka ah kasoo gaarey dad shacab ah," ayaa lagu yiri bayaanka, oo intaasi lagu daray "hadii ay soo baxana sheegashooyinkaasi waanu eegaynaa".

Marka laga soot ago sheegashada ka timid Washington ma jiro war ku saabsan duqeyntan oo ay soo saartay Al-Shabaab.

Magaaladda Jilib oo 112 KM u jirta caasimada ku meel gaarka maamulka Jubbaland ee Kismaayo ayaa la rumeysan yahay in ay tahay xarunta ugu weyn Al-Shabaab ayna ku sugan yihiin hogaankooda.

Sirdoonka Soomaaliya iyo qaar kamid ah kuwa reer Galbeedka ayaa waxay aaminsan yihiin in Axmed Cumar Diiriye oo loo yaqaano [Abuu Cubeyd] hogaamiyaha Al-Shabaab uu agagaarka Jilib ku nool yahay.

Mareykanka ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay dardargeliyey weerarada dhanka cirka ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waana xeelada kaliya ee kooxda lagula dagaalamayey tan iyo markii laga saarey Muqdisho.

Inkasta oo dagaalka dhanka dhulka ah oo ay la galayeen ciidanka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika, ma jiraan guulo wax ool ah oo gulufkaasi laga soo hooyey marka laga reebo degaano laga saarey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM