Mareykanka oo fahfaahiyey duqeyn uu la eegtay Al-Shabaab

Image
Taliska AFRICOM ayaa sheegay in howlgalkan uu ahaa "mid lagu taageeray" ciidamadda Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Mareykanka ee Afrika [AFRICOM] ayaa sheegay in duqeyn ay November, 3, 2022 ay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku khaarijiyeen 15 kamid ah maleyshiyaadka Al-Shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu caddeeyay in howlgalkaas "lagu taageeray ciidamada Soomaaliya" uu ka dhacay meel u dhow degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Bayaankan oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa lagu xusay in "qiimeynta horudhac ah" ay muujineyso in aysan jirin waxyeelo dad shacab ah kasoo gaarey duqeyntaas.

"Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaadaya tillaabooyin aad u wanaagsan si looga hortago waxyeelada rayidka. Ilaalinta rayidka ayaa ah qayb muhiim ah oo ka mid ah hawlgallada taliska si kor loogu qaado Afrika ammaan badan oo xasilloon," ayaa la raaciyey qoraalka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ay ciidamadda shalay ka fuliyeen degaano ka tirsan gobolka Hiiraan ay ku dileen in ka badan 100 dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya, Cabdullaahi Cali Caanood, ayaa warbaahinta u sheegay in duqeyn dhanka cirka ay gacan ka geysatay dilka tirada dagaalameyaasha hubeysan.

Hase ahaatee, ma uusan shaacin dalka laga leeyahay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee fuliyey duqeyntaas maadaama dowlado kale sidda Turkiga ay qeyb ka yihiin howlgaladda ka soconaya dalka.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladdaha ka caawiya Soomaaliya ciribtirka kooxaha argagixisadda waxaana kaalintiisa ay tahay tababarida iyo qalabeynta ciidamadda xoogga si lamid ah duqeymaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM