Mareykanka oo fariin u diray madaxda Soomaalida

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa mar kale waxay fariin u dirtay hogaamiyeyaasha Soomaalida xilli waddanka wajahayo xaalada cakiran oo dhanka doroashooyinka.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee safaaradda ayaa si gaar ah loo waydiistay madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo in uu xaqiijiyo in wadahadalka doorashada looga wada qeybgalo.

Madaxda maamul goboleedyadda xubnaha ka ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhankooda waxay ku booriyeen in ay kawada qeybgalaan shirka iyagoo aan shuruud ku xirin

"Waxaan ka dalbaneynaa @M_Farmaajo xaqiijinta kawada qeybgalka shirka iyo in uu kusoo dhamaado heshiis doorasho. Waxaan ka codsaneynaa Saciid Cabdullaahi Deni, Axmed Maxamed Islaam, Axmed Cabdi Kaariye, Cali Guudlaawe iyo Cabdicasiis Laftagareen in ay ka qeybgalaan shuruud la'aan," ayay daabacdey safaaradda.

Hadalka Mareykanka ayaa kusoo aaday maalin kadib markii magaala madaxda Muqdisho uu ka dhacay shir hal dhinac ah kaasoo Farmaajo uu u furay madaxda dowlad goboleedyadda daacadda u ah.

Qaramada Midoobay oo qoraal kaga falcelisay kulankaas ayaa ku baaqdey in lasii dardargeliyo wadaxaajoodyadda gaargaarka ah kahor inta aan la isugu imaan shirka wadatashiga.

"Qaramada Midoobay waxay ka war haysaa kulanka maanta ee horudhaca u ahaa Shirka la qorsheeyay inuu Muqdisho ku qabsoomo oo qayb ahaan ay goob joog u ahaayeen Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka; waxay Qaramada Midoobay ku baaqaysaa kulamo aan rasmi ahayn oo dheeraad ah, si loo xaqiijiyo kasoo qaybgakii loo baahnaa oo ah mid dhamaystiran, si is afagarad looga gaaro fulinta qaabka doorasho ee 17-kii September," ayaa lagu yiri qoraalka.

Daneeyeyaasha caalamiga ah ee Soomaaliya oo saameyn ku leh go'aanada masiiriga ah ee dalka sidda doorashooyinka ayaa waxaa lagu dhaleeceeyaa in aysan si dhab ah u wajahin xalka is-mari-waaga jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM