Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Image

Muqdisho — Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa wajahaya khatar sii kordheysa oo ah inuu burburo, kadib markii Mareykanku go'aansaday inuu joojiyo taageerada uu siiyo xafiiska Qaramada Midoobay ee bixiya saadka iyo adeegyada muhiimka u ah hawlgalka bisha December 2026.

Warbixin ay daabacday The EastAfrican ayaa sheegtay in go'aanka Washington uu geliyay AUSSOM xaalad dhaqaale oo aad u adag, maadaama hawlgalku si weyn ugu tiirsanaa taageerada saadka ee Qaramada Midoobay, taas oo ay maalgelin weyn ku lahayd dowladda Mareykanka. 

Sida warbixintu xustay, haddii aan la helin ilo dhaqaale oo kale ama aan la gaarin heshiis cusub oo maalgelin ah, ciidamada AUSSOM waxay wajihi karaan dhibaatooyin la xiriira mushaharka, saadka, gaadiidka, caafimaadka iyo howlaha maalinlaha ah, taasoo halis gelin karta dadaallada lagu taageerayo amniga Soomaaliya. 

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka, iyadoo dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ay ka walaacsan yihiin in hoos u dhaca maalgelintu uu abuuri karo firaaq amni oo ay ka faa'iideysan karaan Al-Shabaab. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM