Mareykanka oo ka digay carqaladeynta doorashada Soomaaliya

Image

WASHINGTON, USA - Dowladda Mareykanka oo si adag uga digtey carqaladeynta qabsoomida doorashooyinka Soomaaliya ayaa ugu baaqdey madaxda Soomaalida in ay degdeg ku gaaraan heshiis siyaasadeed.

"Mareykanku wuxuu aad uga walaacsan yahay carqaladeynta doorashada ee ka jirta Soomaaliya, taasoo abuureysa hubanti la'aan siyaasadeed oo khatar ku ah amniga, xasilloonida, iyo horumarka dalka," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka.

Antony Blinken ayaa ku daray: "Waxaan ugu baaqeynaa madaxda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ee Soomaaliya in ay dhinac iska dhigaan ujeeddooyinka siyaasadeed ee ciriiriga ah, ayna ilaaliyaan waajibaadka ka saaran dadka Soomaaliyeed, ayna oggolaadaan in si deg deg ah loo qabto doorasho hufan oo loo dhan yahay".

"Caqabada hada jirta waxay wiiqeysaa horumarka la sameeyay ilaa maanta, waxay dib u dhigeysaa dib u habeynta si deg deg ah loogu baahan yahay si Soomaaliya ay ugu sii socoto wadada loo marayo cafinta deynta oo dhameystiran, waxayna caqabad ku tahay la dagaalanka argagixisada," ayuu tibaaxay.

Dhawaqan ayaa kusoo hagaagaya xilli madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo wajahayo eedeymo ku saabsan in uu kasoo horjeedo qabashada doorasho xor iyo xalaal ah ama wadahadalo xal loogu goobayo is-mari-waaga ka taagan doorashada.

"Mareykanku wuxuu taageerayaa xuquuqda muwaaddiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin inay ku mudaaharaadaan si nabad ah, wuxuuna si adag uga soo horjeedaan adeegsiga rabshadaha ee koox kasta," ayuu xusay.

Wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay: "Waxaan ka codsaneynaa madaxda Soomaaliya inay ilaaliyaan mustaqbalka dalka oo ay ku gaaraan heshiis si dhakhso leh loogu qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM