Mareykanka oo ka hadlay weerarka Al-Shabaab ee Ceel Baraf

Image
Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay sawirro muujinaya jab xoog leh oo ciidanka ATMIS qeybtiisa Burundi.

MUQDISHO, Soomaaliya - Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa si adag waxay u cambaareysay weerarka ay Al-Shabaab ku qaadey xeradda ciidanka howlgalka ATMIS ee degaanka Ceel Baraf.

Qoraal kasoo baxay safaaradda laguna daabacay ciwaanka ay ku leedahay bogga Twitter-ka ayaa soo kabasho deg-deg ah waxaa loogu rajeeyay ciidamaddii ay waxyeeladda kasoo gaartey.

"Waxaan cambaareyneynaa weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga ATMIS ee Soomaaliya oo ay ku sugnaayeen askarta Burundi," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka safaaradda.

Bayaanka oo ku qornaa luuqadda English-ka ayaa la raaciyey: "Waxaan tacsi u direynaa qoysaskii ay ka baxeen ciidamadii la dilay, waxaana u rajeyneynaa caafimaad degdeg ah kuwa ku dhaawacmay".

"Waxaan garab taaganahay ATMIS iyo ciidamada amniga Soomaaliya anagoo kaashanayna si aan u helno nabad," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka safaardda.

Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay sawirro muujinaya jab xoog leh oo ciidanka ATMIS qeybtiisa Burundi ee fadhigoodu ahaa degaanka Ceel-Baraf ay u geysteen, kadib weerar culus oo waaberigii hore ee shalay ay ku qaadeen.

Waaberigii hore ee Talaadadii shalay ayey kooxdu jiho kasta ka soo weerartay xero weyn oo ciidamada Burundi ee ATMIS ay ku lahaayeen deegaanka, wuxuuna weerarkaasi ku bilowday qaraxyo is-miidaamin ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM