Mareykanka oo xaqiijiyey "dilka" Bashiir Maxamed Qoorgaab

Image

WASHINGTON, US – Taliska milatariga dalka Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa Axada maanta ah xaqiijiyey in hogaamiye sarre oo ka tirsanaa Al-Shabaab lagu dilay duqeyn la fuliyey bishii hore.

"Dhab ahaan waxaanu rumeysanahay in Bashiir Maxamed Maxamuud oo loo garan og-yahay Bashiir Qoor-qaab lagu dilay duqeyn uu taliska AFRICOM fuliyey," ayuu yiri afhayeenka taliska.

Korneyl Chris Karns ayaa tilmaamay in weerarka dhanka cirka ah uu ka dhacay magaalada Saakow ee gobolka Jubada Dhexe, taariikhdu markay ahayd 22-kii Febraayo, sanadkan 2020-ka.

"Tani waa horumay," ayuu u sheegay VOA-da. "Waxay meesha ka saareysaa khatarta ay Afrikaanka iyo Ameerikaanka kala kulmayeen argagixisadda, waxayna dharbaaxo ku tahay cadowg".

Macluumaadyo sirdoon oo ay is-dhaafsadeen Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa "suurtagelisay" dilka Qoorgaab, sidda ay shaacisay Wasaaradda Warfaafinta xukuumada fadhigeedu yahay Muqdisho.

Waa kuma Qoorgaab?

Iyaddoo uu dhashay 1982, Qoorqaab oo aad ugu dhowaa hogaanka xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa geeridiisu waxay saameyn "kartaa meelo badan oo kooxda dhexdeeda ah."

Sidda ay muujinayaan macluumaadyo dhinaca mukhaabaraadka ah, wuxuu ahaa abaanduulaha guud ee maleeyshiyaadka Al-Shabaab.

Si lamid ah, waxaa la tibaaxay in uu ahaa madaxii howlgaladda ee dalka Kenya, halkaasoo ururka uu ka fuliyey howlgalo xoogan.

Intaas waxaa u wehlisay in uu xubin ka ahaa Golaha Fulinta. Si lamid ah, wuxuu ahaa u qaabilsanaha weerarada xerooyinka ciidanka.

Magacyadiisa afgarashada waxay kala ahaayeen;

Bashir Mohamed Mahmoud, Bashir Mahmud Mohammed, Bashir Mohamed Mohamud, Bashir Mohamed Mohamoud, Bashir Yare, Bashir Qorgab, Gure Gap, Abu Muscab, Qorgab

Mareykanka ayaa horey madaxiisa u dul-dhigay aduun lacageed dhan 5 milyan oo Doolar, taasoo loo balanqaadey qof kasta oo soo gudbiya xog, ugu yaraan, lagu qaban karo ama lagu khaarijin karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM