Mareykanka oo xaqiijiyey "dilka" Bashiir Maxamed Qoorgaab

Image

WASHINGTON, US – Taliska milatariga dalka Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa Axada maanta ah xaqiijiyey in hogaamiye sarre oo ka tirsanaa Al-Shabaab lagu dilay duqeyn la fuliyey bishii hore.

"Dhab ahaan waxaanu rumeysanahay in Bashiir Maxamed Maxamuud oo loo garan og-yahay Bashiir Qoor-qaab lagu dilay duqeyn uu taliska AFRICOM fuliyey," ayuu yiri afhayeenka taliska.

Korneyl Chris Karns ayaa tilmaamay in weerarka dhanka cirka ah uu ka dhacay magaalada Saakow ee gobolka Jubada Dhexe, taariikhdu markay ahayd 22-kii Febraayo, sanadkan 2020-ka.

"Tani waa horumay," ayuu u sheegay VOA-da. "Waxay meesha ka saareysaa khatarta ay Afrikaanka iyo Ameerikaanka kala kulmayeen argagixisadda, waxayna dharbaaxo ku tahay cadowg".

Macluumaadyo sirdoon oo ay is-dhaafsadeen Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa "suurtagelisay" dilka Qoorgaab, sidda ay shaacisay Wasaaradda Warfaafinta xukuumada fadhigeedu yahay Muqdisho.

Waa kuma Qoorgaab?

Iyaddoo uu dhashay 1982, Qoorqaab oo aad ugu dhowaa hogaanka xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa geeridiisu waxay saameyn "kartaa meelo badan oo kooxda dhexdeeda ah."

Sidda ay muujinayaan macluumaadyo dhinaca mukhaabaraadka ah, wuxuu ahaa abaanduulaha guud ee maleeyshiyaadka Al-Shabaab.

Si lamid ah, waxaa la tibaaxay in uu ahaa madaxii howlgaladda ee dalka Kenya, halkaasoo ururka uu ka fuliyey howlgalo xoogan.

Intaas waxaa u wehlisay in uu xubin ka ahaa Golaha Fulinta. Si lamid ah, wuxuu ahaa u qaabilsanaha weerarada xerooyinka ciidanka.

Magacyadiisa afgarashada waxay kala ahaayeen;

Bashir Mohamed Mahmoud, Bashir Mahmud Mohammed, Bashir Mohamed Mohamud, Bashir Mohamed Mohamoud, Bashir Yare, Bashir Qorgab, Gure Gap, Abu Muscab, Qorgab

Mareykanka ayaa horey madaxiisa u dul-dhigay aduun lacageed dhan 5 milyan oo Doolar, taasoo loo balanqaadey qof kasta oo soo gudbiya xog, ugu yaraan, lagu qaban karo ama lagu khaarijin karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM