Mareykanka oo ka warbixiyey duqeyn uu la beegsaday Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa sharaxaad dheeri ah ka bixiyey weerar dhanka cirka ah oo 3-dii Janaayo, 2020 ka fuliyeen Koonfurta Soomaaliya.

Duqeynta oo aysan shacab waxba kasoo gaarin ayaa ka dhacday degaanka Bacaw, oo dhaca duleedka degmadda Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, sidda laga soo xigtay qoraalka.

AFRICOM ayaa shaacisay in howlgalkaas uu ku yimid wadashaqeyn ay la yeesheen kumaandooska Soomaaliya iyo AMISOM.

"Waqti xaadirkaan, waxaan xaqiijinay in duqeynta lagu dilay saddex [3] kamid ahaa maleeyshiyaadka," ayuu raaciyey war-saxaafadeedka.

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashadda Washington oo illaa iyo haatan kasoo baxay ururka gacansaarka la leh Al-Qaacida.

Weerarkan dhanka cirka ayaa noqonaya duqeyntii ugu horeysay oo Mareykanka fuliyo sanadka cusub 2020 gudaha Soomaaliya.

Sanadkii hore 2019-ka, Mareykanka ayaa Al-Shabaab iyo Daacishta Soomaaliya la beegsaday 53 duqeyn oo lagu khaarijiyey tobanaan xubnood.

3-dii Janaayo, 2019, ciidamadda Soomaaliya ayaa shaaciyey in howlgal ay ka fuliyeen degaanka Beelow Eylo oo ku yaala gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen 30 Al-Shabaab kuna fashiliyeen "weeraro argagixiso".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM