Mareykanka oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Khayraadka Ku Jira Dalka Soomaaliya
MUQDISHU ( GO) - Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Mareykanka, Brennan, ayaa sheegay in joogitaanka iyo howlgallada militari ee Mareykanka ee Soomaaliya ay yeelan karaan saameyn ka baxsan dhinaca amniga, isla markaana ay furi karaan fursado dhaqaale oo la xiriira ganacsiga iyo maalgashiga kheyraadka dabiiciga ah. Wuxuu tilmaamay in xaaladaha amni ee dalka ka jiray ay muddo dheer caqabad ku ahaayeen in shacabka Soomaaliyeed ay ka faa’iidaystaan khayraadka ku jira dhulkooda, balse hadda ay soo baxayaan xog muujinaysa jiritaanka macdan iyo kheyraad istiraatiiji ah oo leh qiimo gaar ah.
Brennan ayaa xusay in xeebaha ku dhow Muqdisho lagu maleynayo kheyraad tamareed sida gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG), isagoo adkeeyay in doorka ugu weyn ee Mareykanka ka ciyaari karo Afrika uu yahay dhiirrigelinta maalgelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay. Sida uu sheegay, haddii maalgashi noocaas ah la keeno Soomaaliya, waxay noqon kartaa saldhig lagu dhiso xasillooni iyo amni waara.
Hadalka sarkaalka Mareykanka ayaa imanaya xilli Dowladda Federaalka, oo uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Shiikh ay la gelayso heshiisyo ku saabsan ka faa’iidaysiga kheyraadka dalal aan door muuqda ku laheyn dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah.
Arrintan ayaa sidoo kale kusoo beegmaysa xilli bilihii la soo dhaafay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu hadallo adag ka sheegayey xaaladda Soomaaliya, isaga oo ku sifeeyay mid aysan ka jirin dowladnimo dhab ah, isla markaana uu ku eedeeyay iney ka howlgalaan burcad-badeedd weerarta Maraakiibta ganacsiga. Wuxuu sheegay in dowladdiisu qaaddayso tallaabooyin ka dhan ah arrimahaas.
Hadalada Trump, ayaa falanqeeyayaal ku fasireen inuu la xiriiro cadaadis ku wajahan hab-dhaqanka hoggaanka Soomaaliyeed, kuwaas oo heshiisyo ganacsi siinaya dalal aan wax dhaqaale ah ku bixin dib-u-soo-kabashada Soomaaliya.
Dhanka kale, hadalka sarkaalka Mareykanka ayaa imanaya xilli saacadihii la soo dhaafay hawada Muqdisho lagu arkayay diyaarad dagaal oo nooca F-16 ah oo ay leeyihiin Turkiga. Wararku waxay sheegayaan in Turkigu heshiisyo la galay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, kuwaas oo la xiriira baaritaanno lagu sameynayo shidaalka Soomaaliya halka xarun lagu sheegey saldhig dayax-gacmeed laga tuuro uu ka dhisanyo duleedka magaalada Muqdishu.
Turkiga, oo xubin ka ah NATO, ayaa xiriir dhow la leh dalal ka tirsan Khaliijka, kuwaas oo ku loollama kheyraadka dalal ku yaalla Geeska Afrika, Waqooyiga Afrika, iyo Badda Cadmeed.
GAROWE ONLINE