Mareykanka oo qirtey dhaawaca rayid duqeyn ka dhacdey Soomaliya

Image
Qiraalkan ayaa lagu sheegay warbixin kasoo baxdey Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka.

WASHINGTON, USA - Milatariga Mareykanka ayaa qirtay in 1-dii Janaayo ay ku dhaawaceen saddex qof oo rayid ah duqeyn ka dhacday degaanka Kuunya Barrow ee gobolka Jubada Hoose ee Soomaaliya.

Qiraalkan ayaa lagu sheegay warbixin kasoo baxdey Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka. Warbixinta waxay fahfaahisay dhacdooyinka duqeymaha intii u dhaxeysay 2018 ilaa 2020.

Dhanka kale, Pentagon-ka ayaa sidoo kale waxay aqoonsadeen in 10 qof oo shacab ah ay ku dhinteen iyo 18 dhaawac ah duqeyn ay mudadaas ka geysteen gudaha Suuriya.

Warbixinta ayaa sidoo kale waxaa lagu xaqiijiyey in ciidamada Mareykanka ay dileen 12 qof oo rayid ah sanadka 2021, dhamaantoodna waxa ay ku dileen Afgaanistaan.

NGO-yadu waxay si joogto ah u daabacaan qiimayno aad u sarreeya oo dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay duqaymaha Maraykanka ee aagagga colaadaha.

Hay’adda Airwars ayaa warbixinteeda sannadlaha ah ee la daabacay bishii May ku qiyaastay in inta u dhaxaysa 15 ilaa 27 qof oo rayid ah lagu dilay hawlgallada Maraykanku ka fuliyo Suuriya oo keliya.

Bishii Janaayo 2022, Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa ku booriyay militariga inay sameeyaan wax badan si ay uga fogaadaan waxyeelada rayidka ka soo gaarta duqeymaha cirka, ka dib dhowr gef oo halis ah oo sumcadda millatariga xumeeyay.

"Ilaalinta dadka rayidka ah waa istaraatijiyad iyo damiir lagama maarmaan ah," ayuu Austin oo bilo kahor soo booqdey Soomaaliya lana kulmay madaxwayne Xasan Sheekh ku yiri qoraal loo diray talisyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM