Mareykanka oo shaaciyey miisaaniyada sanadlaha ee Al-Shabaab

Image
Washington ayaa gulufka ka dhanka ah xoogaga hubeysan waxay ku balaarisay cunoqabateyn cusub.

WASHINGTON, US - Mareykanka ayaa ballaarinaya dagaalka uu kula jiro maleyshiyaadka Al-Shabaab oo ah faraca shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida ee Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo talada milateri ee ciidamada Mareykanka ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa haatan lagu kordhiyey cunqabateyn cusub oo xooggan.

Waaxda Maaliyadda ayaa Isniintii soo bandhigtay cunaqabateyn lagu soo rogay afar ka mid ah horjoogayaasha sare ee Al-Shabaab iyo sidoo kale shan sarkaal oo dhammaantood la sheegay in ay ahaayeen kuwa halbowlaha u ah shabakad lagu soo eedeeyay ururinta lacagaha, qorista dagaalyahannada iyo soo iibinta hubka.

Sida laga soo xigtay Mareykanka, shabakada wax tahriibisa ayaa lacagta kasoo qaada ilo kala duwan, oo ay ku jiraan ururada aan dowliga ahayn wallow aan lasoo bandhigin dhamaan ilahaas.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in shabakdan ay ka caawiyaan Al-Shabaab in ay soo xarooto lacag lagu qiyaasay 100 milyan oo doolar sanadkii, taasoo gacan ka geysata kobcinta baaxadda iyo awooda kooxda.

Warbixin ay horraantii sanadkan soo saartay hay’adda cilmi-baarista fadhigeedu yahay Muqdisho ee Hiraal ayaa tilmaamaysa in rubuc ka mid ah lacagtaas, ama ilaa 24 milyan oo doolar, lagu kharash gareeyo hubka oo keliya.

Warbixintan ayaa waxaa xaqiijiyay qiyaasaha sirdoonka ee ay wadaagaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay. Tani waxay ka dhigan tahay in kooxda ay sanad walba hesho miisaaniyad ay ku howlgasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in la jabsaday xogta E-Visa, Go'aan cusubna soo saartay

Afhayeen u hadlay HSJ ayaa sheegay in dowladda federaalku ay durbaba magacaawday guddi gaar ah oo isugu jira hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 03:28PM

Sirdoonka Ajnabiga oo ka Cararay Muqdisho Kadib Jabsi Xogeed oo lagu Sameeyay Nidaamka E-VISA

Dhacdadan ayaa ka dhalatay xumaan xiriirka ka dhaxaysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 12:53PM