Mareykanka oo soo saarey digniin amni iyo xogta qaraxyo ku wajahan Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa ka digtay weeraro kusoo wajahan caasimadda, kuwaasoo ay ku jiraan qaraxyo suurtagal in lala bartilmaameedsado Aden Adde International Airport, Dekadda, huteello iyo xarumaha dowladda.

Qaraxyo, hoobiyaal, weeraro toos ah iyo aduub ayay Safaaradda ka digtay inay Al-Shabaab ka fuliso Muqdisho, iyadoo lagula taliyay muwaadiniinta Mareykanka inay ka fogaadaan goobaha uu Al-Shabaab bartilmaameedka u yahay.

Digniinta amni ayaa imaanaysa xili lagu guda jira bisha Ramadan, oo howlgallo militeri ay dowladda Soomaaliya kawado gobolka Shabeellaha Dhexe, oo deris la ah Muqdisho, waxaana la ogeyn in dowladda Soomaaliya wax ka ogtahay macluumaadka sirdoon ee Safaaraddu heshay.

Goobaha laga cabsi qabo inay weerarada ka dhacaan waa kuwa ku yaalla aaga cagaaran [Green Zone], oo ay dowladdu degan tahay, amnigeedana si aad ah loo ilaaliyo. Shaqaalaha Safaaradda iyo ajnabiga ayaa lagula taliyay inaysan tagan meelaha dadka ku kulmaan, oo huteeladda iyo meelaha laga dukaameysto [Shopping centres].

Amniga Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay bishan, iyadoo Ciidamo dheeraad ah la dhigay wadooyinka, kuwaasoo baara baabuurta raaxadda. Xaalada amniga ee Caasimada ayaa mudooyinkiidambe ahaa mid soo hagaagaya, oo ka dhicin qaraxyadii joogtada ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gollaha Ammaanka oo Mudo Kordhin u Sameynaya Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, qoraalka ugu dambeeya ayaa la sheegay inuu xaqiijinayo in howlaha UNTMIS ay dhammaan doonaan 31 October 2026.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 12:15PM

Go'aan cusub oo Trump soo saarey oo saameyn ku yeeshay Soomaaliya

Isbeddeladan, oo la filayo inay dhaqangalaan bisha Janaayo, ayaa muujinaya dadaalka Trump ee ku aaddan in matalaadda diblomaasiyadeed.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 10:25AM