Mareykanka oo soo saarey digniin amni iyo xogta qaraxyo ku wajahan Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa ka digtay weeraro kusoo wajahan caasimadda, kuwaasoo ay ku jiraan qaraxyo suurtagal in lala bartilmaameedsado Aden Adde International Airport, Dekadda, huteello iyo xarumaha dowladda.

Qaraxyo, hoobiyaal, weeraro toos ah iyo aduub ayay Safaaradda ka digtay inay Al-Shabaab ka fuliso Muqdisho, iyadoo lagula taliyay muwaadiniinta Mareykanka inay ka fogaadaan goobaha uu Al-Shabaab bartilmaameedka u yahay.

Digniinta amni ayaa imaanaysa xili lagu guda jira bisha Ramadan, oo howlgallo militeri ay dowladda Soomaaliya kawado gobolka Shabeellaha Dhexe, oo deris la ah Muqdisho, waxaana la ogeyn in dowladda Soomaaliya wax ka ogtahay macluumaadka sirdoon ee Safaaraddu heshay.

Goobaha laga cabsi qabo inay weerarada ka dhacaan waa kuwa ku yaalla aaga cagaaran [Green Zone], oo ay dowladdu degan tahay, amnigeedana si aad ah loo ilaaliyo. Shaqaalaha Safaaradda iyo ajnabiga ayaa lagula taliyay inaysan tagan meelaha dadka ku kulmaan, oo huteeladda iyo meelaha laga dukaameysto [Shopping centres].

Amniga Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay bishan, iyadoo Ciidamo dheeraad ah la dhigay wadooyinka, kuwaasoo baara baabuurta raaxadda. Xaalada amniga ee Caasimada ayaa mudooyinkiidambe ahaa mid soo hagaagaya, oo ka dhicin qaraxyadii joogtada ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Kordhisay Doorkeeda Geeska Afrika, Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Qaahira

Kulankan ayaa imanaya kaddib booqashooyinkii dhawaan ee Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 07:14PM

Xasan Sheekh iyo Al-Sisi oo ku heshiiyay difaaca midnimada Soomaaliya, kana horyimid aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Dhankiisa, Madaxweyne Al-Sisi ayaa carrabka ku adkeeyay in Masar ay si buuxda u ixtiraamayso madaxbannaanida.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 06:20PM