Mareykanka oo war culus kasoo saarey doorashada Koonfur Galbeed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa war kasoo saartey maanta oo Talaado ah doorashada l filayo in 17-k bisha November 2018 ka dhacdo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Howlgalka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya [US Mission to Somalia] ayaa dhinac isaga leexiyay inuu taageerayo musharax kamid ah siyaasiyiinta ku tartamaya doorashada Madaxwaynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka Safaaradda, ayaa lagu soo dhaweeyay magacaabista Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed, waxaana ay rajo ka muujisay in Nov 17 ay dhacdo doorasho lagu kalsoonaan karo oo ka turjumeysa codka shacabka.

Dhanka kale, qoraalka Safaaradda ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu taageerayo geedi-socodka doorashada soo socota ee Maamulka Koonfur Galbeed, balse marna uusan taageereynin musharax gaar ah.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xili Mareykanka bishii June ee 2017 uu liiska argagaxisada ka saarey Mukhtaar Roobow, sidoo kalena la laabtey lacag 5 milyan oo dollar oo madaxiisa uu dul-dhigay kahor intasan uuso isku soo dhiibin dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Roobow ayaa kamid ah hadda musharaxiinta isku soo taagey doorashada Koonfur Galbeed, islamarkaana uu doonayo inuu qabto xilka Madaxweynaha maamulkaasi, iyadoo dowladda Federaalka ay kasoo horjeysatay inuu ka qeybgalo tartanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbixinno uu Trump ka Sheegay Iran oo Sirdoonka Mareykanka Shaki Geliyey

Afhayeenka Aqalka Cad, Anna Kelly, ayaa difaacday hadalka madaxweynaha, iyadoo…

  • Soomaliya

    27-02-2026

  • 11:01PM

Muqdisho oo looga dhawaaqay shir Soomaaliya looga badbaadinayo firaaq dastuuri ah

War-murtiyeed ka soo baxay shir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

  • Soomaliya

    27-02-2026

  • 10:45PM