Mareykanka oo Xayiraad kusoo rogay Ganacsade Soomaali ah

Image

WASHINGTON - Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay Jimcihii inay xayiraad saartay 3 qof iyo Shirkado ay leeyihiin oo xaruumahooda ku yaallaan Philippine, Turkey iyo Soomaaliya, kuwaasi oo ay ku eedeedaysay inay taageeraan Daacish.

Ganacsatada cunqabateyn lagu soo rogay waxaa kamid ah Maxamed Mire Cali Yuusuf oo loo yaqaano "Soo dareeri" iyo shirkado uu leeyahay oo lagu kala magacaabo Liibaan Trading iyo Al Mutafaq.

Ninkan oo fadhigiisa yahay Puntland iyo magaalada Dubai ayaa waxay dowladda Mareykanka ku eedaysay inuu taageero Kooxda katirsan Daacish ee ka dagaalanta gobolka Bari.

Ganacsade Maxamed Mire waxa uu leeyahay Doomo Shixnadaha Ganacsiga isaga kala gudbiya dalalka Soomaaliya, Yemen iyo Imaaraadka Carabta, waxaana Mareykanka uu leeyahay wuxuu taageeraa Daacish.

Cunaqabateyntan waxaa lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay Waaxda lacagta Mareykanka [Wasaaradda Maaliyadda], balse laguma sheegin nooca ay noqonayso, laakiin waxay u muuqataa in la xayirayo dhaqaalaha Ganacsadahan u yaalla Bangiyada caalamka.

Ganacsade Maxamed Mire ayaa beeniyay eedeynta Mareykanka isagoo sheegay inuu diyaar u yahay inuu la fariisto cid kasta si uu ugala hadlo xayiraada la saaray.

Warbixin UN Monitering Group ay soo saartey bishii November, 2017 ayaa ku eedaysay Ganacsade Maxamed Mire inuu xiriir la leeyahay Daacish, islamarkaana hubka ugu geeyo saldhigyada ay ku leeyihiin gobolka Bari. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM