Mareykanka: Qaraxii Soobe waxaa lala eegtay Wasaarada Tacliinta

Image
Lataliyaha Amniga Qaranka Ameerika, Jake Sullivan, ayaa sheegay in Washington ay wali garab-taagan tahay Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Mareykanka oo si kulul uga hadashay weerarka Al-Shabaab ka fulisay isgoyska Soobe ee Muqdisho ayaa waxay sheegtay in ay wali garab taagan tahay dhigeeda Soomaaliya.

Lataliyaha Amniga Qaranka Mareykanka, Jake Sullivan oo war-saxaafadeed soo saarey, ayaa wuxuu qaraxyadaas ku sifeeyay "fal aad u fool xun oo aan marnaba laga fiirsan".

Sullivan oo bayaankiisa lagu faafiyey bogga rasmiga ah ee Aqalka Cad ayaa hoosta ka xariiqay in Washington ay murgada la qeybsaneyso dadka Soomaaliyeed ee waxyeelada ksoo gaartey falkaas.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Sullivan ayaa tibaaxay in weerarka lala beegsadey Wasaaradda Waxbarashadda oo gaariga koowaad ee qaraxa uu ku dhacay halka qaraxa labaad uu beegsadey dhaawacyada.

"Dowladda Mareykanka waxay si kulul u cambaareynaysaa falkii argagaxa lahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 100 qof, ayna ku dhaawacmeen ku dhawaad ​​300 oo kale, waxaana si gaar ah ay u cambaareysay weerarkii foosha xumaa ee lagu bartilmaameedsaday Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya iyo dadkii ka jawaabay," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo dhammaan dadkii eheladooda ku waayey ama ku dhaawacmay weerarradaas aan laga fiirsan ee loo geystay dad rayid ah oo aan waxba galabsan".

"Dowladda Mareykanka ayaa weli ku adkeysaneysa in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka taageerto dagaalka ay kaga hortagayso falalka argagaxiso ee xun xun," ayuu kusoo gabagabeeyay.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha sidda hagar la'aanta ah uga taageeraya Soomaaliya gulufka ka dhanka ah xoogaga hubeysan ee gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ee argagixisadda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM