Mareykanka: Siyaasaddeenna ku aaddan midnimada Soomaaliya waxba iskama beddelin 

Image

Washington – Dowladda Mareykanka ayaa Isniintii mar kale xaqiijisay in siyaasaddeeda ku aaddan Soomaaliya aysan wax isbeddel ah ku imaan, isla markaana ay sii waddo taageerada madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, kaddib markii Israel ay aqoonsatay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa u sheegay BBC-da in Washington ay xiriir shaqo oo wanaagsan la leedahay Somaliland, sida ay sidoo kale ula leedahay maamullada kale ee gobolka, gaar ahaan dhinacyada la-dagaallanka argagixisada, amniga iyo danaha dhaqaale ee wadajirka ah.

Go’aanka Israel ee dabayaaqadii Diseembar 2025 ay ku aqoonsatay Somaliland – oo ah dhul ku dhawaaqay madax-bannaani tan iyo 1991 balse aan helin aqoonsi caalami ah – ayaa dhaliyay walaac ballaaran oo ka curtay Geeska Afrika iyo caalamkaba.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay tallaabadaas iyadoo codsatay shir degdeg ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ah. Afar iyo toban ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa muujiyay diidmo cad oo ay ka qabaan aqoonsiga Israel, iyagoo mar kale adkeeyay midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya. Mareykanka ayaa ahaa xubinta kaliya ee aan si toos ah u cambaareyn go’aanka Israel, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in mowqifkiisa Somaliland uusan isbeddelin.

Ururro heer gobol iyo heer caalami ah, oo ay ka mid yihiin Midowga Yurub, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo IGAD, ayaa si cad u diiday aqoonsiga Israel. Sidoo kale, dalal waaweyn oo badan ayaa ka horyimid tallaabadaas, inkastoo Israel ay ku adkeysatay go’aankeeda.

Somaliland ayaa muddo ka badan saddexdan sano ku shaqeynaysay nidaam dowladeed u gaar ah, ciidamo amni iyo doorashooyin, balse Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay weli u aragtaa qayb ka mid ah dhulka dalka. Arrintan ayaa weli ah qodob xasaasi ah oo diblomaasiyadeed, gaar ahaan xilli ay Soomaaliya raadinayso taageero caalami ah oo la xiriirta dhismaha dowladnimada iyo amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaaradaha dagaalka Turkiga oo lagu arkay hawada Muqdisho

Duulimaadyadan tijaabada ah ayaa loo sameeyay xaqiijinta tayada diyaaradaha iyo diyaar u ahaanshahooda hawlgalada mustaqbalka.

  • Soomaliya

    03-02-2026

  • 11:35AM

Madaxweynaha Somaliland oo ka qeybgalaya Shirka Caalamiga ah ee Dubai

Arrintan ayaa dhalisay muran siyaasadeed oo cusub, iyadoo Muqdisho ay si adag uga jawaabtay sheegashada Israel.

  • Soomaliya

    03-02-2026

  • 09:15AM