Mareykanka: Yariisow wuxuu ahaa madaale u dooda Soomaalida

Image

WASHINGTON, US – Dowladda Mareykanka ayaa waxay ka hadashay dhimashadda gudoomiyihii gobolka Banaadir ahaanna duqa Muqdisho.

Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan [Eng Yariisow] ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Qadar oo la dhigay kadib dhaawacii weerarka xafiiskiisa.

War qoraal ah oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ee safaaradda Washington ee Muqdisho ayaa tacsi loogu diray ehelada marxuumka iyo asxaabtiisa.

"Danjire Yamamoto iyo shaqaalaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay aad uga naxeen geerida [Duqa Muqdisho] Yariisow," ayaa lagu yiri qoraalka.

Marxuumka oo dhaawac ahaan looga qaaday magaala madaxda dalka dhaca Geeska Afrika ayaa la tilmaamay in ay waxyeelo kasoo gaareen caloosha iyo madaxa.

Qoraalka ayaa intaasi ku daray: "Wuxuu ahaa bah-wadaag aad u wanaagsan iyo madaale u dooda dadka Muqdisho iyo dhammaan Soomaalida".

Eng Yariisow ayaa gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdsiho loo magacaabay bishii Janaayo 2018 markii la eryay Taabit Cabdi Maxamed.

"Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa ehelkiisa iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed," ayaa lagu yiri qoraalka.

Al-Shabaab ayaa waxay dusha saaratay is-miidaaminta lagu khaarijiyey dadka uu kamid yahay Eng Yariisow, kuwaasi oo tiradooda lagu sheegay 11 ruux.

Yariisow oo in ka badan tobban sano siyaasadda Soomaaliya ku dhex-jiray ayaa soo qabtay xilal muhiim ah oo uu kamid yahay Wasiirka Warfaafinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM