Markab "hub sharci daro keenay" Soomaaliya oo la qabtey

Image
Qabashada markabka ayaa timid iyadda oo ay sare u sii kacayaan rabshadaha dalka Yemen.

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamada Badda Mareykanka ayaa gacanka Cumaan waxay ku qabteen Markab hadda ka hor hub geeyey Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen.

Ciidamada badda Maraykanka ayaa sheegay in markabka gantaalaha xambaara ee USS Cole uu markabkan ku qabtay meel u dhow biyaha dalka Iran.

Markabka ayaa isticmaalayey marin ay inta badan adeegsadaan doomaha iyo maraakiibta hubka u geeya kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen. Waxaa saarnaa maadooyinka kiimikada ee loo adeegsado in lagu sameeyo walxaha qarxa.

Markabkan ayaa sanaddii tagtay waxay sidoo kale ciidamada Mareykanka ku qabteen xeebaha Soomaaliyan iyada oo ay saarnaayeen hub badan, waxaana lasii daayey markii hubka laga reebay.

Warka kasoo baxay ciidamada badda Mareykanka ayaa intaas ku daray in markabka la qabtay 6-dii Janaayo, waxaana saarnaa shan qof oo u dhashay dalka Yemen.

Qabashada markabka iyo kiimikada halista ah ee saaran ayaa timid iyadda oo ay sare usii kacayaan rabshadaha dalka Yemen ee u dhaxeeya isbaheysiga Sacuudiga uu hogaamiyo iyo dagaal-yahanada Xuutiyiinta.

Jimcihii, ugu yaraan 70 qof ayaa lagu dulay 100 kalena waa lagu dhaawacay dalka Yemen kadib duqeyn ay fuliyeen Sacuudiga. Weerarka ayaa lagu beegsaday xabsi ku yaalla Yemen, wuxuuna qeyb ka ahaa dadaal dib loogu riixayo Xuutiyiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM